
Marka laga hadlaya gawaadhida dheereeya ama ugu qaalisan adduunka, waxaa jira shirkado yar oo maskaxdaada kusoo dhacaya sida, Bugatti,Ferrari,Pagani, iyo kuwo kale. Soo-saareyaashani waxay haystaan macaamiisha ugu qanisan adduunka, waxayna soo saaraan gawaadhida ugu xawaaraha badan, naadir ah, ugu qurxoon, iyo baabuurta ugu qaalisan koonka.
Hadaba si aan u ogaano baabuurtan aan la heli Karin ee ugu qaalisan caalamka, annagoo ah bahda qalinka waxaan kula wadaagaynaa 20-ka gaadhi, oo dhamaantood qiimahoodu yahay $1 milyan ama wax-ka badan.
Waa kuwan 20-ka gawaadhi ee caalamka ugu qaalisan maanta.
Hubaal, waxaad arki doontaa gawaadhi qaali ah oo aadan iibsan Karin, inaad tahay qof alle wax udhiibay mooyiye.
20. Ferrari LaFerrari Aperta

Gawaadhida magacan wata waa 210 xabo oo kaliya, helitaankiisana waxaa gaaga baxaysa lacag badan, LaFerrari Aperta waa nooc gaar ah oo leh astaamo gaar ah, waxaana lagu gaday gaadhigan qiimo gaadhaya $2.2 malyan oo dollar.
19. Aston Martin Vulcan

Waa inaad noqotaa qof caan ah si aad ugu xaragooto gaadhigan, qiimihiisu waa 2.3 malyan oo dollar, waa gaadhi qaali ah, hadan aan loogu tala-galin in lagu wado wadooyinka, waa gaadhi aad loo qurxiyay oo loo isticmaalo orodka iyo tartamada, ilaa hadana gawaadhida noocan ah, ee la-soo saaray waa 24 xabo oo kaliya.
18. Lamborghini Countach LPI 800-4

Gawaadhida magacan wata ee shirkada Lamborghini soo-saartay ilaa hadda waa 112 xabo oo kaliya, waa gaadhi loogu tala-galay u-dabaal daga sanad-guurda 50 aad ee shirkada, waxaana daaha laga qaaday ama la-soo bandhigay gaadhigan 2021 ki, waa gaadhi xarago oo aad u qurux badan, qiimihiisuna waa 2.5 malyan oo dollar.
17. Aston Martin Valkyrie

Gawaadhida noocan ah, waxaa la-sameeyay 150 xabo oo kaliya, waa gaadhi xawaare dheer ku orda (330 km/saacadi), waxay qaadatay 2000 oo saacadood, si loo-sameeyo gaadhigan, wuxuuna gaadhay qiimaha baabuurkan 2.6 milyan oo dollar.
16. Mercedes AMG One

Mercedes AMG One waa gaadhi quruxsan, wuxuu ku ordaa baabuurkan, xawaare sare oo ka badan 350 kiiloomitir saacaddii, qiimaha gaadhigan wuxuu gaadhay $2.7 malyan oo dollar.
Mercedes -Benz waa mid kamida shirkadaha sameeya gawaadhida ku shaqeeya korontada kuwa ugu wanaagsan.
15. Koenigsegg Jesko

Jesko waa baabuurki ugu horreeyay ee gaadha $3 malyan oo dollar, Koenigsegg Jesko sidoo kale waa mid ka mid ah baabuurta ugu dhaqsaha badan adduunka, Matoorkiisu waa mid aad u xoog badan, wuxuuna gaadhay xawaarihiisa 531 km halki saac.
14. Ferrari Pininfarina Sergio

Ferrari Pininfarina Sergio, waxaa la-sameeyay 6 kamida gawaadhida noocan ah, hadii aad rabto in laguu sameeyo gaadhi noocan ah, waa inaad heshaa ogolaansho, waa gaadhi casri ah oo qurux badan, wuxuuna leeyahay muuqaal wanaagsan iyo naqshad wanaagsan, wuxuu gaadhay qiimaha gaadhigan $3 malyan oo dollar.
13. Gordon Murray T.50

T.50 qiimihiisa wuxux gaadhay $3.08 malyan oo dollar, waa baabuur quruxsan, adkaysi leh oo xoog badan, wuxuuna jari karaa xawaare aad u dheer, 354 km halki saac, waa baabuur leh seddex kursi.
12. Bugatti Chiron Pur Sport

Bugatti Chiron waa baabuur cajiib ah, Kaliya 60 ka mid ah baabuurtan ayaa waligood la sameeyay, mid walbana wuxuu leeyahay naqshad gaar ah oo ku saleysan rabitaanka mulkiilaha, qiimaha gaadhigan ayaa gaadhay $3.3 malyan oo dollar.
11. W Motors Lykan Hypersport

Lykan HyperSport waa baabuur soo jiidanaya dareenka, gaadhigan qiimihiisa wuxuu gaadhay $3.4 malyan oo dollar, waa midkamida gawaadhida ugu quruxda badan ee soo jiidashada leh.
10. Pagani Huayra BC Roadster

Pagani Huayra BC Roadster, gaadhi cajiib ah, oo aad u-qurux badan, Baabuur mudan in lagu bogaadiyo muuqaalkiisa wanaagsan, waa gaadhi casri ah oo xawaare dheereeya ku orda, wuxuuna gaadhay qiimaha gaadhigan $3.5 malyan oo dollar
9. Lamborghini Sian

Lamborghini Sian qiimihiisa wuxuu gaadhay $3.6 malyan oo dollar, waxaana la-sameeyay gawaadhida magcan wata 63 xabo oo kaliya, xawaarihiisu waa 217 km saacadi, waa mid kamida gawaadhiga ugu wanaagsan ee ay sameyso shirkada Lamborghini.
8. Bugatti Chiron Super Sport 300+

Gaadhiga xawaarihiisa iyo awoodiisa waxaa u dheer quruxda, waa baabuur farsamayntiisu ay qaadatay sanado badan, engineero iyo culimo badanna ay ka-qayb qaateen soo-saaristiisi.
Qiimaha baabuurkan waa $5.7 malyan oo dollar, wuxuuna halki saac jari karaa 483 km, waa gaadhigi ugu horreeyay adduunka ee jara xawaare ka badan 300 km saacadi.
7. Bugatti Divo

Gawaadhida wata magaca Bugatti Divo, waxaa la-soo saarayaa 40 xabo oo kaliya, qiimihiisu waa $6 malyan oo dollor, waa gaadhi xawaare dheer ku ordaya, wuxuuna halki saac jarayaa 380 km.
6. Bugatti Centodieci

Gawaadhida noocan ah, waxaa la-soo saarayaa 10 xabo oo kaliya, mid kamidana waxaa iibsaday xidiga caanka ah ee kubada cagta Christiano Ronaldo, qiimaha gaadhigan waa $9 malyan oo dollor, wuxuuna jarayaa 379 km halkis saac, Waa gaadhi raaxo oo aad u-qurux badan soojiidashana leh.
5. Rolls-Royce Sweptail

Waa gaadhi laga jecel yahay adduunka, wuxuuna gaadhay qiimaha gaadhigan $13 malyan oo dollar, wuxuuna mar ahaa gaadhigan midka ugu qaalisan adduunka, waa baabuur raaxo oo aad loo qurxiyay, technologyad badanna lagu xidhay.
4. Pagani Zonda HP Barchetta

Gawaadhida wata magacan waxaa la-sameeyay 3 xabo oo kaliya, waa gaadhi qaali ah, oo aadan iibsan Karin hadii aadan ahayn qof maalqabeen ah oo magac iyo maamuus leh, markii ugu dambeysay ee la iibiyo mid ka mid ah baabuurtan, wuxuu ku kacay qiimo dhan $17.6 malyan oo dollar, xawaaraha gaadhigan uu jari karo halki saac waa 355 km.
3. Bugatti La Voiture Noire

Gaadhiga madaw, waa magac uu caan ku yahay Bugatti la voiture, waxaa la soo-saaray gaadhigan 2019 ki, waana midki ugu danbeeyay ee ay samayso shirkada Bugatti, wuxuuna gaadhay qiimaha gaadhiga $18.7 malyan oo dollar, awooda matoorka gaadhigan waa 1500 faras, wuxuuna jarayaa halki saac xawaare gaadhaya 420 km, waa baabuur aad loo qurxiyay, wakhti badanna qaadatay samayntiisi.
2. Rolls-Royce Boat Tail

Gawaadhida magacan wata ee ay samaysay shirkada Rolls-Royce waa 3 xabo oo kaliya, awoodiisa matoorka waa 563 faras, dhamaadki 2021 ayaa lagu soo bandhigay dalka taliyaaniga, waa gaadhi cajiib ah, wuxuuna gaadhay qiimaha baabuurkan $28 malyan oo dollar, waa gaadhigi ugu qaalisanaa ee la sameeyo 2022-ka.
1. 1963 Ferrari 250 GTO

Ferrari 250 GTO waa gaadhigi ugu qaalisanaa abid ee la-gato, wuxuuna gaadhay qiimaha baabuurkan $70 malyan oo dollar, waxaa la-sameeyay 36 xabo oo kali gawaadhida wata magacan Ferrari 250 GTO.
Shirkada Ferrari ee samaysa gawaadhida xaragada ayaa ku guulaystay shirkada ugu gawaadhida wanaagsan adduunka 9 sano oo isku xigta.
174 mayl ayuu jarayaa halki saac, wuxuuna baabuurkan mar ahaa midka ugu xawaaraha badan aduunka, waa gaadhiga ugu qaalisan hadda iyo 10-ka sano ee soo socda, sida la-saadaalinayo.
sidoo kale akhri: 10-ka qof ee qaata mushaarka ugu badan adduunka
Gabo-gabo
Waxyaabaha ay ka kooban yahiin gawaadhida raaxada
Weligaa ma ka fikirtay oo maad iswaydiisay waxay kasamaysan yihiin gawaadhida raaxada iyo waxa qaaliga ka dhigaya, iyo farqiga udhaxeeya gawaadhidan iyo kuwa caadiga ah? Hagaag way fududahay in la qiyaaso.
Marka hore shirkadaha ama soosaarayaasha baabuurta qaaliga ah, waa dad hal-abuurkoodu uu aad u-sarreeyo, waxay shaqaalaysiiyaan engineerada ugu fiican adduunka, waxay sameeyaan baadhitaanno badan si ay u-soo saaraan gawaadhi raaxo kuwa ugu wanaagsan adduunka xilligaas, waxyaabaga qaaliga ka-dhigaya baaburtan, waa tignoolojida cusub ee uu leeyahay, waaritaankiisa iyo adkaysiga uu leeyahay, quruxuda iyo qaabka loo xardhay, kuwa qaar oo kushaqeeya koronto, wadistooda oo macaan ama raaxo leh, iyo farshaxanka quruxda badan oo ay leeyihiin.
Eray-bixin: Shuruudaha lagu garto marka laga hadlayo baabuurta raaxada
Markaad ka hadlayso baabuur-dhamaadka sare, waxaa jira dhawr eray oo aad u baahan tahay inaad ogaato:
Awood faras: waxaa lagu qeexaa awooda uu leeyahay matoorka saaran baabuurka, ereyga waxaa loo sameeyay si uu u muujiyo tirada fardaha ee matoorka baabuurku bedeli karo.
Fiber Carbon: waa mid ka mid ah agabka ugu sarreeya, marka ay timaado baabuurta qaaliga ah. Waa iftiin, kaas oo ka caawin Kara baabuurka inuu si degdeg ah u socdo.
Artificial intelligence creates content for the site, no worse than a copywriter, you can also use it to write articles. 100% uniqueness :). Click Here:👉 https://stanford.io/3FXszd0
http://slkjfdf.net/ – Ienazroto Aomido qef.ardi.qalinka.com.rqb.zh http://slkjfdf.net/
2vqoz7
Thank you.