Aduunka waxaa ka buuxa dabino loo qorsheeyay, in ninka-raga ah lagu daciifiyo. hadii aad noqoto nin adagna, caalamku wuxuu kuula dhaqmi doonaa si-wanaagsan.
Shirqooladan dhamaantood maaha kuwa dabiici ah. ee waa kuwo loogu tala-galay in lagugu maamulo. waayo ninka raga ah qofka maamula, ayaa xukumaya bulshada inteeda kale.
sidoo kale akhri :- gawaadhida ugu qaalisan
Waa kuwan 5 sifo oo xun-xun oo ninka ka-dhigaya mid daciif ah.
1- Baahida
Sifadan waa mid kamida dhibaatooyinka ay wajahaan badi raga maanta nool. waxaadna ogaataa baahida badan iney tahay doqonimo.
Hadii aad caadaysatay isticmaalka daroogooyinka. inaad raadsato naago iyo inaad samayso waxyaabo xun. si-aad u hesho farxad, waxaa tahay qof baahane ah.
Markaad tahay nin. sida kaliya ee aad ku kobci karto waa inaad waajahdaa dhibaatooyinka noolasha oo aad xallisaa. hadii aad qof kale ka sugto inuu kuu xalliyo mushkiladahaada. waxaad noqon qof baahan oo meel ku xayiran.
Jidhkaada wuu kobcayaa laakin maskaxdaada iyo sifooyinkaada. waxay waligood ahaan doonaan mid caruur ah, nin-rageedna ma noqon doontid.
Intaad baahane noqon lahayd, waa inaad noqotaa halyeey waajaha waxyaabaha uu kala-kulmayo noolasha. inaad waajahdo culaysyada noolashana waxay kaa caawinasaa inaad kobacdo awood ahaan. marnaba qof haku tiirsanaanin.
2- Inaad xakamayn-waydo dareenkaada

Inaad noqoto qof aan xakamayn Karin dareenkiisa. waxay dhibaato ku-tahay naftaada iyo dadka ku xeeran. taas macnaheedu maaha inaad qariso dareenkaada. laakin waa inaad barataa sido loo xakameeyo dareenkaada xilliyada adag.
Waxaadna ogaataa hadii aad tahay qof aan xakamayn Karin dareenkiisa. dadku kuma ixtiraami doonaan, waxaadna dareemi doontaa dhibaato.
3- Raaxada
Aan su’aal ku-waydiiyo, waa maxay waxa ugu muhiiman noolasha?
Waxa ugu muhiimsan ee raga maanta nool wada-raadiyaan, waa raaxada. waxayna tagaan goobaha kalaabyada ah. dumar badan iney la-tuntaan iyo iney fiirsadaan aflaanta xun. kaliya si-ay u helaan xoogaa farxad ah.
Waxaad ogaataa waxa ugu muhiimsan noolasha. waa inaad garanayso ujeedada uu alle kuu abuuray. waa inaad yeelato yool aad hiigsanayso, inaad gaadho intaad nooshahay.
Marnaba adoon ha u-noqonin raaxada ay naftaada doonayso. waayo waxay kaa dhigaysaa raaxad badan nin daciif ah.
4- Cabashada iyo eedaynta
Cabashadu waa sifo xun oo jirta, waxayna keentaa iney daciifiso dadnimadaada iyo horumarkaada. sidoo kale waa sifo dhadigu leeyihiin. waxaana xaqiiqo ah inaad aragtay dumar badan oo ka-cabanaya waxyaabo yar-yar.
5- Iska-dhigid
Sababta rag badan oo maanta jooga u murugaysan yihiin, naftoodana ugu dareemi la’yihiin qanaaco. waa iney iska-dhigayaan iney wali yihiin ilmo-yar.
Waxaa lagu gartaa dadka noocan ah, badanka waa kuwo cajis badan oo fadhiya. waxayna rabaan iney noolasha guul gaadhaan. waxay rabaan iney farxad ku noolaadaan ayagoo wax ficil ah samaynaynin. sida iney guushu uga soo dhacayso cirka si-mucjisa ah. waana wax aan dhacaynin waligeed.
Qan-gaadhnimadu waa wax inta badan bulshooyinku ay rabaan iney u macneeyaan sidey rabaan. laakin waa inaadan ku dhicin dabinkaas, iskana ilaali inaad yeelato sifadan caruurnimada ah. adigoo naftaada runta u sheegaya si-dhab ahna ula xisaabtamaya.
Gaba-gabo
Hadii aad leedahay mid kamida caadooyinkan xun-xun, waxay kaa dhigayaan nin daciif ah. waxaadna ogaataa xaalad kasta oo aad hadda ku sugan tahay. waa natiijadi ka-dhalatay ficiladaada.
Hadii aadan ku qanacsanayn xaalada aad hada ku-jirto. u fiirso ficiladada aad samaynayso oo badal.
1 Comment