5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga | better

5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga.
5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga | better

Sida lagu sheegay daraasado badan. haweenku aad ayey aragtidoodu u dheer tahay. marka laga hadlayo raga gayaankooda ah ee shukaansigu mideeyo.

Waxay sidoo kale haweenku ku fiican yihiin. u fiirsiga dagdaga ah iyo ka falcelinta dhanka raga. xilliga kulanka ama aragtida ugu horreysa.

Hadaba waxaan isla-fiirinaynaa, qaabka ay dumarku u qiimeeyaan ragga. Iyo waxyaabaha ay haweenka adduunka ka midaysan yihiin.

Waa kuwan 5 wax oo ay inta badan wadaagaan haweenka. kana midaysan yihiin, markay qiimaynayaan raga gayaankooda ah.

1- Xarragada dusha

Markay ninka la-kulanto gabadhu, waxay marka ugu horreysa fiirisaa. habka uu u labisan yahay, iyo xarragada dusha ee ka muuqata. sida midabka dharka uu xidhan yahay, inuu qabo saacad. kabihiisa iyo wixii kalee lamidka ah.

Sidoo kale haweenku. waxay qiimeeyaan, xaalada uu ninku ku sugan yahay. sida miyuu socday, muu fadhiyay, mise mobile ayuu ku hadlayay.

2- Qaab-dhismeedkiisa jidhka
5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga

Dabcan qof kasta wuxuu jecel yahay, inuu helo qof leh qaab-dhismeed qurux bdan. Oo indhihiisa iyo kuwa dadkaba soo-jiidan kara.

Qodobkan wuxuu ka qayb qaataa. eegmada ugu horreysa ee dumarku ku qiimeeyaan raga, markay la-kulmaan.

3- Timihiisa

Inkasta oo ay ku kala duwan yihiin dumarka, aragtida ah qaabka uu u jarto ninku timihiisa. Hadana timihiisa iyo qaabka uu u jarto waxay qayb wayn ka qaataan. eegmada ugu horreysa ee dumarku ku qiimeeyaan. Laakin dumarka badankooda waxay ka siman yiihiin. In ninka u jarta sida yara kala-sarreysa, ee aadna gaabnayn, aadna aan u dheeraynin. Inuu leeyahay soo-jiidasho badan.

Dumarku sidoo kale majecla, ninka leh gadhka wayn. Ee waxaa soo-jiita ninka lel gadhka sida quruxda badan u jaran.

4- Indhihiisa

Haweenka waxaa aad u soo-jiita, ninka leh indhaha waawayn. Waayo waxay ka qayb-qaataan, soo-jiidashada aragtida ugu horreysa ee gabadha.

Inkastoo abuurka alle aan lagu gafi Karin, hadana waa mid ay haweenku aad u xiiseeyaan.

5- Socodka
5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga.
5 Meelood oo ay haweenku ka eegaan ragga

Qaab-socodka ninku, wuxuu ka qayb-qaataa, haybadiisa iyo qabkiisa. ninba ninkuu ka socod wanaagsan yahay, wuu ka soo-jiidasho badan yahay xagga dumarka. waayo dumarku kama helaan, ninka sida dag-daga ah u socda, ee boobsiiya socodka. taas badalkeeda waxay jecel yihiin. ninka socodkiisa ku xarragooda ee u socda sida dagan.

Hadaad soconaysay ama aad tallaabsanaysay, markay gabadu ku aragtay. waxay xasuus iyo hal-qabsi ku keentaa maskaxdeeda. Xataa hadii gabdho badan ku arkeen xilligaas, socodkaada ayey xasuusan doonaan. Oo waxay dhahayaan, alle waa wiilki socodka quruxsanaa maalinti.

Qodobkan wuxuu ku tusayaa. socodka inuu saamayn ku leeyahay aragtida ugu horreysa, markaad gabadha la-kulanto. Sidaas darteed ragow iska-qurxiya socodka, qaab labiskana ku dadaala. Si-ay hablaha kuu xiiseeyaan, gabdhuhuna waa iney quruxdooda dusha ilaashadaan.

Gaba-gabo

Wiilow waxaad ogaataa, in dumarku ay aad uga helaan ama u xiiseeyaan. ninka dhoola-cadeeya, qosolkiisuna uu badnayn. Sababtoo ah dhoola-cadayntu waa sifo ragga iyo dumarkaba u wanaagsan. sidaas darteed inaad dhoola-cadayso ku dadaal.

Qodobadan waa kuwa dumarku ku qiimeeyaan ninka, kulanka koowaad. waana muhiim inuu ninku, u yeesho aqoon iyo ogaal. Sababtoo ah waxay ka caawinaysaa, inaad si fudud ku hanato gabadha qalbigeeda.

Gabadhu sidoo kale waxay jeceshahay ninka ka qosliya. Ula dhaqama sida boqorada oo kale, dareensiiya iney muhiim ka tahay agtiisa.

Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.

Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *