Sidee loo ciyaaraa Jessta(Chess)?

Ka Taffe
7 Min Read

Sharraxaad Kooban oo Loogu Talo Galay Dadka Ku Cusub Ciyaarta

Soo dhowow!

Qoraalkan koobani wuxuu si fudud kuugu sharrixi doonaa sida loo ciyaaro Jessta(chess), oo ah ciyaar caalami ah oo caan ku ah xeeladda iyo maskax-maalka. Waa muhiim in la ogaado in ay ciyaartani ka duwantahay ciyaarteenna hidaha iyo dhaqanka ah ee loo yaqaanno Shaxda.

Hadafka Ciyaarta

Hadafka ugu weyn ee Jesstu waa in aad weerarto Boqorka cadowgaaga illaa inta uu ka heli waayayo meel uu u baxsado ama uu iskaga kaa difaaco. Xaaladdan waxaa loo yaqaan Jiq xidhan. Ciyaartu waxay dhammaanaysaa marka xaaladdan la gaadho.

Gogoldhigga Ciyaarta

Jessta waxaa lagu ciyaaraa loox ka kooban 64 jago oo afargeesyo ah (8×8). Ciyaartoy kasta wuxuu bilaabaa isagoo haysta 16 dhagax: hal Boqor, hal Boqorad, laba Qalcadood, laba Maroodi, laba Faras, iyo sideed Askari. Dhagaxaanta cadcad ayaa had iyo jeer bilaaba ciyaarta.

Dhagaxaanta iyo Dhaqdhaqaaqooda

Dhagax kasta wuxuu leeyahay qaab u gaar ah oo uu u dhaqaaqo. Dhagaxu kama boodi karo dhagax kale (marka laga reebo Faraska). Haddii uu dhagax cadow ahi ku jiro jagada aad rabtid inaad u dhaqaaqdo, waad qaadi kartaa oo waad ka saari kartaa ciyaarta ama haddii si kale loo dhigo, waad cuni kartaa.

Boqorka (King) Boqorku waa dhagaxa ugu muhiimsan, balse ma aha ka ugu awoodda badan. Wuxuu u dhaqaaqi karaa hal jago dhinac kasta: hore, dib, midig, bidix, iyo geesaha. Labada Boqor waligood isma ag istaagi karaan.

Boqoradda (Queen) Boqoraddu waa dhagaxa ugu awoodda badan ciyaarta. Waxay u dhaqaaqi kartaa masaafo kasta oo ay rabto, jiho kasta oo toosan (hore, dib, midig, bidix) iyo geesaha (diagonally).

Qalcadda (Rook) Qalcaddu waxay u dhaqaaqi kartaa masaafo kasta oo ay rabto, balse si toosan (hore, dib, midig, ama bidix).

Maroodiga (Bishop) Maroodigu wuxuu u dhaqaaqi karaa masaafo kasta oo uu rabo, balse dhincyada geesaha(diagonally). Ciyaartoy kasta wuxuu ku bilaabaa ciyaarta laba Maroodi: mid ku socda jagooyinka cadcad iyo mid ku socda kuwa madmadow.

Faraska (Knight) Farasku wuxuu u dhaqaaqaa qaab u gaar ah oo u eg xarafka “L”: laba jago oo jiho toosan ah afarta jiho(ma degi karo jagooyinkan oo waa qiyaas uun), ka dibna hal jago oo dhinac ah(halkanuu degi karaa). Farasku waa dhagaxa kaliya ee ka boodi kara dhagaxaanta kale.

Askariga (Pawn) Askarigu wuxuu leeyahay xeerar adag. Dhaqaaqiisa ugu horreeya, wuxuu hore u socon karaa hal ama laba jago. Dhaqaaqyada xiga, wuxuu hore u socon karaa hal jago oo keliya. Askarigu waligii dib uma laaban karo oo waa soomajeeste. Askarigu si toos ah uma qaado dhagaxa cadowga ah ee ka horreeya, balse wuxuu u qaadaa si geesgees ah (hal jago oo gees hore ah).

Dhaqdhaqaaqyada Gaarka ah

Waxaa jira laba dhaqdhaqaaq oo gaar ah oo u baahan sharaxaad dheeraad ah.

1. Dhufaysgal (Castling) Kani waa dhaqdhaqaaq difaac oo gaar ah, kaas oo u dhexeeya Boqorka iyo mid ka mid ah Qalcadaha. Waxaa la samayn karaa mar keliya inta ay ciyaartu socoto, waana haddii:

  • Boqorka iyo Qalcadda la isticmaalayi aanay weligood dhaqaaqin.
  • Aanay jirin dhagaxaan u dhexeeya Boqorka iyo Qalcadda.
  • Boqorku aanu ku jirin xaalad jiq ah, ama aanu u gudbayn jago weerar lagu hayo.

Dhaqaaqa: Boqorku wuxuu u dhaqaaqayaa laba jago dhinaca Qalcadda, Qalcadduna waxay ka soo boodaysaa Boqorka oo ay ag istaagaysaa dhinaca kale.

2. Sii dhaaf (En Passant) Xeerkan gaarka ahi wuxuu khuseeyaa Askariga oo keliya. Haddii Askari cadow ahi uu ka soo boodo safkiisa laba jago(dhaqaaqiisii ugu horreeyay), oo uu ag istaago Askarigaaga, waxaad xaq u leedahay inaad qaaddo sidii oo uu hal jago oo keliya u soo dhaqaaqay oo kale. Tallaabadan waa in la sameeyaa isla marka uu cadowgu dhaqaaqo, haddii kale fursadaas way kaa lumaysaa.

Sida Loo Guuleysto: Jiq iyo Jiq xidhan

  • Jiq (Check): Waa xaalad uu Boqorku si toos ah ula kulmayo weerar ama beegsi uga imanaya dhagax cadow ah dartii. Marka Boqorkaagu jiq galo, waa qasab inaad isla markiiba ka badbaadisid khatarta. Waxaad u badbaadin kartaa boqorkaaga saddex siyaabood: Boqorka oo aad dhaqaajisid, dhagax kale oo aad ku gudubtid weerarka, ama in aad qaaddid dhagaxa weerarka soo qaaday.
  • Jiq xidhan (Checkmate): Haddii uu Boqorkaagu jiq galo oo aanad hayn meel aad u dhaqaajisid oo aad kaga badbaadin kartid weerarka, markaas waa Jiq xidhan. Ciyaartiina sidaasaa lagaaga badiyay.

Xaaladaha Barbardhaca (Draw)

Ciyaartu mararka qaar waxay ku dhammaan kartaa barbardhac. Tani waxay u dhici kartaa dhowr siyaabood:

  • Is mariwaa (Stalemate): Marka ay tahay doorkaaga inaad ciyaartid, laakiin aanad hayn medel aad u dhaqaaqdid, Boqorkaaguna aanu jiq ku jirin.
  • Heshiis: Labada ciyaartoy ayaa ku heshiin kara in ay ciyaartu barbardhac ku dhammaato.
  • Ku celcelin: Haddii dhaqdhaqaaq isku mid, isku jago ah oo isku xiga  ay saddex jeer soo laabtaan ciyaarta dhexdeeda.

Xeeladaha Aasaasiga ah

Markaad baratid dhaqdhaqaaqyada, waxaad bilaabi kartaa inaad ka fikirtid xeeladaha. Waa kuwan dhowr fikradood oo aasaasi ahi:

  • Beegsi (Threaten): Inaad dhagaxaaga u dhaqaajisid meel uu ku weerari karo dhagax cadow ah.
  • Qaad (Take): Inaad dhagax cadow ah ka saartid ciyaarta.
  • Farageeto (Fork): Waa marka hal dhagax uu isku mar wada beegsado laba dhagax oo cadow ah. Farasku aad ayuu ugu fiicanyahay samaynta weerarka farageetada ah.
  • Dhagax mudan (Pinned piece): Waa marka dhagax cadow ah aanu dhaqaaqi karin sababtoo ah haddii uu dhaqaaqo, wuxuu kashifayaa dhagax ka qiimo badan oo ka dambeeya (sida Boqorka ama Boqoradda).

Gunaanad

Hambalyo! Hadda waad taqaannaa xeerarka aasaasiga ah ee Jessta. Sida ugu fiican ee lagu bartaa waa in la ciyaaro. Ha ka baqin inaad qaladaad samaysid. 

Ciyaar wanaagsan!

Faafi Qoraalkan
Bilaa Faalle