Rag badan ayaa dhibaato ku-qaba iney ogaadaan in gabadha uu la-socdo ama sheekaystaan, iney jeceshahay iyo in-kale, waayo ma-fududa inaad ogaato dareenka dhabta ah ee dumarka.

Bogga arrimaha caafimaadka ka-faalooda ee lagu magacaabo (Everyday health information) ayaa ka-hadlay astaamaha raggu ku ogaan karaan, in gabadha ay la-sheekeystaan iney jeceshahay in ay khayaanayso.
Daraasadan oo ay sameeyeen culimo aad ugu xeel-dheer cilmiga nasiga ayaa cinwaan uga dhigay qoraalkooda: “haku dag-dagin gabadha aan la-hayn sifooyinkan”
sidoo kale akhri :- 5 caado oo ninka daciif ka dhigta
Hadii aad ka-daashay inaad ogaato iney ku jeceshahay gabadha iyo iney ku-jeclayn, Waa kuwan 4 astaamood oo ku caddaynaya inay ku jeceshahay iyo in-kale.
1- Ballaadhashada barta madow ee isha (wiilada)

Waa calaamada ugu muhiimsan ee lagu garto, markay ku fiirinayso gabadha, in barta-madaw ee isheeda ballaadato ama waynaato, ayada oo aan ogeyn, waxaana keena muruqaha yar-yar ee isha inuu ku imaado is-badal, sidaasna ay ku ballaadhato qaybta-madaw ee isha oo loo-yaqaano wiilada.
Calaamadan waxay kuu muujinaysaa ama kuu xaqiijinaysaa, in gabadhaas ku-jeceshahay, sidoo kalana ay rabto ag-joogaada, waana sifo xooggan.
Waxaa kale oo aad ku arkaysaa gabadhu markay ku jeceshahay, iyadoo xoogaa ku fiirinaysa, markaad soo-eegtana iney isla-markaaba kaa wareejiso isha, mana aha wax ku-xidhan rabitaankeeda, ee waa wax uu sababo dareenwadka loo-yaqaano sympathetic nerves oo aragtida qofka saamayn ku yeesho, kadibna keena qulqulka hormoon la-dhaho adrenaline, kaaso ah midka keenaya isbadalka ku dhaca barta-madow ee isha, dareenwadahan waxaa si-aad ah u kiciya isbadal-kasta oo ku dhaca nafsadda ruuxa, sida xanaaqa, baqdinta iyo laab-la-kaca.
2- Codkeeda
Codkeeda dhagayso, haddii uu inyar ka hooseeyo codkeedi caadiga ahaa ee lagu yaqaanay waa sifo kale oo kuu caddaynaysa in gabadhaas si-dhab ah kuu jeceshahay.
3- Dhoolacaddaynta
Calaamada kale ee aad ku ogaan karto in gabadhu kuu jeceshahay si-dhab ah, waa iney samayso markaad u sheekaynayso dhoolla-cadayn fudud ama khafiif ah oo ay isku-dayayso iney qariso xishood dartiis, xattaa hadii aadan uga sheekaynaynin wax qosol keeni kara.
4- Dhaqdhaqaaqa jidhkeeda
Jidhkeeda ayaa si-aan ula-kac ahayn ka bixinaya fasiraad dareenkeeda, tusaale, hadii ay soo istaagto hortaada ayada oo aan jidhkeeda isku-duubnayn, waxay sheegaysaa kalsoonida, dhiirranaanta iyo hanka ay kuu qabto, laakin hadii ay ku soo-hor istaagto ayada oo ay gacmaheeda isku-duuban yihiin, waxay ku tusinaysaa iney walaacsan tahay ama ay rabin iney kula-hadasho.
Sidoo kale waxaad eegtaa bishimaheeda, hadii aad aragto ayada oo u qaniinayso si-sahalan, ogow way ku-jeceshaay, laakin hadii aad aragto ayada oo ku taabanaysa bishimaheeda gacanta, gabadhaas aad ayey kuu xiisaynaysaa.
Astaamahan waa kuwa ugu waa-wayn ee lagu ogaado iney gabadha ku-jeceshahay, laakin waxaa jira sifooyinka kale oo badan oo ayagana kaa-caawinaya inaad ogaat, waa kuwan qayb-kamida.
1- waxay markasta jeceshahay iney ku farxad-galiso, ku ixtiraamto.
2- way kula-kaftantaa ayada oo mararka qaar sida aad u hadasho oo kale kuula-hadasha
3- ma halmaanto waxkasta oo aad u sheegto, sababtoo ah si wanaagsan ayey kuu dhagaysataa markasta.
4- way kula-murugootaa marka aad murugaysan tahay.
5- khaladaadka yaryar ee aad u samayso si aan kas ahayn, way kuu cafisaa.
6- sheekooyinkaada ayey jeceshahay iney dhagaysato.
7- si aad ah ayey kaaga xishootaa, lacagna kuma waydiso.
8- asxaabteeda way ku yaqaanaan, waayo dumarka saxiibada ah wax-kasta ayey isku-sheegtaan.
Gabo-gabo
Ugu dambeyn waxaad ogaataa in gabadhu aysan qarin Karin calaamadahan, waayo maaha wax ay xakamayn karto, sidaas darteed si taxadar leh ula-soco hana illaawin, marnaba haku luminin wakhtigaada qof aan ku-rabin.
Dhammaad.
1 Comment