Xidhiidhka jacaylku waa inuu noqdaa mid labada qof, si-dhamaystiran uwada ilaalinayaan.
Qofka xidhiidhku kaala dhaxeeyo waa inuu noqdaa. midaad isku-hallayn karto oo aad ku kalsoonaan karto xilli kasta. Waana inuu kaa ilaaliyaa dhaqanadan.
Xidhiidhku wuxuu noqon karaa mararka qaar. midaan laysku hallayn Karin. ama waxaa dhici karta inaad dareento in qofka lamaanahaada ah. kuu gaysanayo dhaawacyo badan.
Hadaad tahay askaabulo. qodobadan waxay kaa caawinayaan inaad ka-fogaato dhaawacyo iyo qalbi-jab. Hadaad leedahay xidhiidhna. qodobadan markaad ogaato lamaanahaada ayaad u mahad-celin doontaa. ama waxaad ogaan doontaa dhibatada jirta. kadibna waxaad go’aansan kartaa waxaad samayn lahayd. iyo tallaabada aad qaadi lahayd.
4-tan hab-dhaqan ha u-dulqaadanin xilliga shukaansiga.
1- Beenta
Is-aaminaadu waxay aasaas u tahay dhamaan xidhiidhada oo dhan. qofkana ma aamini kartid hadii ayna jirin daacadnimo dhab ah.
Dabcan qofku wuu sheegi karaa been yar oo la-fahmi kaaro mararka qaar. sida inaad cudur-daar samayso, si aad uga baaqato shaqo la-rabay inaad qabato. laakin markaad ogaato inuu daacad kuu ahayn qofku. adiga ayey kuu taallaa inaad u dulqaadato. iyo inaad ka tagayso qofkaas.
Beenaaluhu badanaa wuu diidaa inuu aqbalo natiijada ka-dhalata ficilkiisa. asagoo kuu muujinaya wajigiisa beentaa ee aan dhabta ahayn.
Waa laga yaabaa inaad dareento qalbi-jab. maadaama uu noqon waayay qofki, sidaad moodaysay. laakin waxaa guul ah inaad ogaatay, shaqsiyada dhabta ah ee qofka aad la-macaamilaysay. waxaana haboon oo aad u qalantaa, qof kula-wadaagayo shaqsiyadiisa dhabtaa. inta wanaagsan iyo intiisa xunba.
2- Kuma qiimeeyo

Hab-dhaqankan wuxuu dhaawacayaa maskaxdaada, wayna adag-tahay inaad billowgaba aad fahanto. marka hore waxyaabo yaryar ah ayey ka billaabantaa. sida farriimo khaldan, iyo fiiro aan haboonayn.
Qofka xidhiidhka kaala dhaxeeyo, wuxuu ku aaminsiin karaa. inaad u qalmin in lagu jeclaado, lagu ixtiraamo iyo iney kaa fiican yihiin dadka kale. wuxuuna si-tartiib ah u burburin karaa kalsoonidaada. ilaa marka u danbaysa uu ku xakameeyo.
Xad-gudubka maskaxda waxay ka-dhalataa qoraalada cayda ah. aflagaada, fadeexada iyo in lagu bar-bar dhigo qof kale.
Markuu qof xidhiidh kaala dhaxeeyo, waxaa muhiima inaadan dareemin qanaaco la’aan. taas badalkeeda waa in midba midka kale kalsoonidiisa iyo sharaftiisa kor u qaado. hadii xidhiidhkaadu ahayn mid ku dhisaya, maaha xidhiidhkaas mid si-wanaagsan u shaqaynaya.
3- Khayaanada
Markuu qofku ku khayaamayo wuxuu isku-dayi doonaa. inuu kugu qanciyo inaad dag-dagayso oo aadan waxba hubsanaynin. laakin waxaa fiican inaad muujiso qanaaco la’aan iyo ixtiraam-xumo. markuu qofku kuula imaado khayaano.
Haduu qofku ku khayaamo oo uu ka shallaayo, adiga ayey kuu taallaa inaad cafiso iyo in-kale. laakin khayaamada noocan ah, inaad ka-soo kabato way adag tahay. waayo waxay markasta ku-soo xasuusin wixi hore. sidaas awgeed, marnaba hoos ha u-dhigin naftaada.
4- Xakamaynta noolasha

Hadaad qof xidhiidh kula-jirto. xaq uma-lihid inaad u yeedhiso qofkaas, waxwalba oo uu samaynayo. ama inaad maamusho noolashiisa.
Dabcan markaad qof xidhiidh dhab ah ku jirto. waxaad yeelanaysaa aragtiyo ama tala-bixino dabiici ah. oo aad siinayso qofka xidhiidhka kaala dhaxeeyo. sida qaab-hadalkiisa, labiska qofka aad jeceshahay, cunto cunkiisa iyo hab-fikirka qofkaas. laakin inaad isku-daydo inaad maamusho. waxwalba oo ku saabsan noolasha qofkaas. maaha hab-dhaqan fiican oo caafimaad qaba.
Gaba-gabo
Kuwan waa qayb-kamida astaamaha uu leeyahay. xidhiidhka aan wanaagsanayn ee aan caafimaadka-qabin. Mana haboona inaad ugu dulqaadato hab-dhaqanadan. qofki aad rabtay inuu kaa dhawro murugada iyo dhibaatada. xaq ayaadna u leedahay inaad joojiso xidhiidhka, hadaad ku dareemaynin farxad iyo qanaaco.
Dareenkaada aamin marka hore. hana ogolaanin in naftaada lagu khasbo xaalad, aad ku dareemaynin qanaaco iyo daganaansho.
Kali inaad ahaato ayaa kaaga fiican. intaad ku dhaganaan lahayd xidhiidh aan caafimaad qabin. oo aadan ku dareemaynin qanaaco.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad.
1 Comment