Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay? better

Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay.clearly.
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay. especially.
Wakhtiyadan dambe. dumarka quruxda badan, caqliga badan iyo kuwa guulaha gaadhay ayaa kalinimo la-ildaran. Kuwo badan oo kamid ayaa xataa ka quustay iney helaan lamaane.

Inta badan, bulshooyin ku dhaqan caalamka, waxaa dhaxdooda caan ka ah. in gabdhaha quruxda badan aynan ahayn, kuwo u nasiib fiican sidi la-filayay.

Hadaba daraasad ay wakhti badan samaynaysay jaamacada hardvard. ayaa lagu sheegay dhawr sababood oo keenay in gabdhaha quruxda badan. nasiibkooda uuna noqonin sidi laga filayay ama sidi loo baahnaa. Waa kuwan qayb kamida sababahaas.

Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay

Marka hore. waa wax iska-caadi ah inaad aragto gabadh qurux badan. oo guursatay ayada oo yar ama nin wanaagsan heshay. oo ku nool xaalada wanaagsan, sababtoo ah waa gabadha qurux badan oo rag badan isha ku hayeen. nin kasta uu ku dadaalayay sidi uu ku heli lahaa gabadhan, waana waxa uu filayo qof kasta oo si caadi ah u fikira.

Gabadha dhaxdhaxaadka ay tahay quruxdeeda. badana waa kuwo nasiibkoodu uu iska-caadi yahay oo uuna xumayn. waxaad arkaysaa ayadoo xidhiidhkeedu wanaagsan yahay, si sahlan u samayn karta xidhiidh. uuna raagayo wakhti badan xidhiidhkeeda, nasiibkeeduna uu fiican yahay. gurigeedu uu dhinaanayo wakhti dheer, haba ku noolaato xaaladay doontabee.

Waxaan ka hadlayno maanta maaha gabdhaha quruxda badan dhammaantood. balse waa qaar badan oo kamid ah. Hadii aad u fiirsato gabdhaha quruxda badan badankooda. noolasha guurka way ka daahaan oo si dhakhsa ah qoys uma samaystaan. Hadii ay guursatana kuma raagaan. xataa hadii ay ku raagaan gurkooda, noolal aad u dagan oo xasillon ma-helaan.

Hadaba ayadoo waxaas oo dhan ay kala siman yihiin. kuwo badan oo gabdhaha caadigaa kamida, ee dhaxdhaxaadka tahay quruxdooda. ayey hadana gabdhaha quruxda badan arrintan aad ugu badan tahay.

Waxaaba dhici karta in kuwo badan oo kamida gabdhaha aadka u quruxda badan. ay is-waydiinayaa, waa maxay sababta ay kaaga fiican tahay xaga xidhiidhka ragga. heblaayo oo aad uga qurux badan tahay. Hadaba maxaa keenaya in dumarka quruxda badan nasiibkooda xumaado. Maqaalkan maanta ayaan ku ogaanaynaa.

5 sababood oo keena in dumarka caqliga iyo quruxda badan. aysan ku guulaysanin guurka iyo noolashooda gaarka ah.
1-Raga badankoodu gabdhaha quruxda badan kuma dagdagaan

Ragga badankooda waxay shaki ka qabaan. in gabadha quruxda badan xidhiidh leedahay. sida ay sheegeen rag badan oo wadamo kala duwan ku nool. waxay sheegeen in marka aad la-kulanto gabadh aad qurux badan. in markiiba maskaxdiisa ku soo dhacayso, koleyba midan kaligeed ma-noola. ee ha israacinin oo waxba wakhti haku luminin.

Halka rag badanna ay rumaysan yihiin. in gabadha aadka u quruxda badan dalabkeeda uu badan yahay. ama guurkeeda ay uga baxayso dhaqaale badan. waana sababta rag badan u doorbidaan gabdhaha quruxdooda dhaxdhaxaadka tahay. Waxayna raggu aaminsan yihiin in gabdhaha caadigaa. ay ku noolaan karaan duruuf kasta oo soo waajahda.

Sidoo kale dumarka quruxda badan waxay qabaan shaki guud oo ah. in ragga badankooda ku socdaan jidhkooda iyo quruxdooda oo kaliya. Waxaa kale oo jira santaag iyo kibir ku jira gabdhaha quruxda badan. Way is-cajabiyaan waxayna aaminsan yihiin in markasta suuqooda xaami yahay. Waxayna halkaas ku seegtaa fursado badan oo ay kula kulmi lahayd. rag badan oo ay kula noolaan lahayd mustaqbalka daganaansho iyo xasillooni.

2- Raggu kuma kalsoona gabdhaha quruxda badan
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay. while.
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay

Kalsoonida ay ku qabaan raggu gabdhaha quruxda badan waa mid yar. Oo wuxuu aaminsa yahay in rag badan shukaansato, maadaama ay qurux badan tahay. Hadii ay is khilaafaan ama isku-dhacaan way adkaan doontaa iney heshiiyaan. Waayo waxay isku arki doontaa inuu u qalmin ninkan ama uuna garanaynin qiimaheeda. Halka gabadha caadiga ah ay u arkayso inuu ninkeedi ama saxiibkeed yahay. oo ay is-khilaafeen, waxayna ku dadaali doontaa siday dib ugu heshiin lahaayeen. Waa sida ay aaminsan yihiin ragga badankooda. waana sababta ayna u shukaansinin gabdhaha quruxda badan.

3- Ninku wuxuu rabaa in wixiisa gaar u ahaadaan markasta

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha quruxda badan ay gaar u noqon Karin. waayo waxaa ku badan doona dalabka uga imaanaya ragga kale.

Rag badan ayaa ku fikira in gabadhu aragto ama la-kulanto. nin kaa dhaqaale badan, kaa maamuus iyo magac wayn ama kaa quurx badan. Marka intaan masayr, buuq iyo shaki gali lahaa, aanba isku-dhaafo gabadhan. Taas badalkeeda wuxuu iska-dhaadhiciyaa oo uu raadiyaa gabadh quruxdeedu dhaxdhaxaad tahay. Sababtoo ah ninka markuu haysto gabadh qurux badan. shakiga iyo masayrka ayaa aad ugu badan.

4- Wakhti badan mawada socdaan
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay
Dumarka quruxda badan muxuu nasiibkooda u-xun yahay

Hadii ay dhacdo iney is-guursadaa ama sheekaystaan, xidhiidhkooda wakhti badan ma sii socdo. Waayo ninku markuu soo xeero-galinaya gabadha quruxda badan. wuxuu baraa kolkoolin iyo hadallo macaan oo badan. Waxaa badan inuu waxkasta u sameeyo. laakin guurka kadib wuxuu ku soo noqdaa dhaqankiisi caadiga ahaa. Gabadhana waxay ku noqotaa hab-dhaqankiisa cusub mid la-yaab leh. Waxayna maskaxdeeda waydiisa muxuu ninki isku badalay. Waana midda soo dadajinaysa kala tagoodo.

5- ninku wuxuu joojiyaa dadaalki badnaa

Ninku wuxuu ka cajisaa dadaalki badnaa ee uu galinayay hanashada gabadha. Waxaana yaraada “haye”-dii badnayd iyo kolkoolinti. Taasna waxay gabadha u fahantaa. inuu markii horaba uu rabay quruxdeeda iyo jidhkeeda oo kaliya. Waxaana ku adkaada gabadha iney aqbasho noolasha dhabtaa. Markaasna waxaa billowda dagaal iyo khilaaf, kaasoo keena ugu danbaynta in lakala tago.

Gaba-gabo

Si guud waxaad ogaataa in gabadh kasta ay qurux badan tahay, oo ay mudan tahay in la-jeclaada. Laakin maskaxda ragga ayaa u fikirta in gabadha quruxda badan. ay adag tahay iney khaas kuu ahaato. Sidaas owgeedna waxay doortaan gabdhaha quruxdooda ay caadiga tahay. Ragguna buuqa iyo shakiga badan ma-jecla.

Asxaabtada la-wadaag, mahadsanid.

Dhammaad.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *