Xidhiidhka ka-dhaxeeya lamaanaha, waa wax aad u qurux badan, aadna u wanaagsan dareen ahaan, marka labada qof si-daacad ah u-wada gardaadinayaan xidhiidhkooda jacaylkooda.

Iyada oo ay jirto midaas, hadana waxaa la-dhayalsan Karin, xidhiidhka dhax-mara labka iyo dhadiga in uu yahay, wax aad u adag dhanka fahanka, mararka qaarna aad ku-jahwareerayso qaababka lamaanuhu isku-doortaan, waxyaabaha ay isku-xushaan iyo waxyaabaha ay isku-nacaanba.
Waayadan dabne ee sida wacan loo-bartay cilmiga nafsiga ee jacaylka iyo xidhiidhada laamaanaha, waxaa si-joogta ah marwalba loo daah-qaadaa, arrimo aan horey loo ogayn ama loo fahansanayn sababaha aan u samayno.
Badanaa hadii aad u fiirsato dadka is-qaba iyo kuwa hadda uu xidhiidhka ka-dhaxeeya ee aan wali is-guursanin, waxaad markasta arkaysaa in ninku ka-dheer yahay joog ahaan gabadhiisa ama xaaskiisa, mana aha wax soomaalida oo kaliya ku kooban, ee waa wax ay nala-wadaagaan bulshooyinka kale ee caalamka, waana wax dhif iyo naadir ah, inaad aragto gabadh ka-dheer ninkeeda joog-ahaan.
Sidaas darteed waayadan danbe, daraasad la-sameeyay ayaa lagu ogaaday, iney jiraan dhawr-arrimood oo keenaya in gabadhu jeclaato wiil ayada ka-dheer joog-ahaan, waxaana la-ogaaday in arrintan ayna-ahayn wax iskaga-dhaca si dabiici ah, laakin waa wax ay keenaan sababo isbiirsaday.
Waa kuwan 3 arrimood oo keenaya in gabadhu jeclaato nin ka-dheer ayada joog-ahaan
1- Haybad
Dadka badankooda marka ay la-kulmaan qof ka-dheer joog-ahaan, waxay u muujiyaan qadarin iyo ixtiraam, ayaga oo u arkaa qofkaas, inuu yahay mid masuul ah oo mudan maamuus iyo in laga haybadaysto.
Sidoo kale dumarku marka ay la-kulmaan nin ka-dheer, waxay si ogaal la’aan ah niyadooda ugu sheegaan, in uu yahay nin caqli badan oo ay nafteeda ku aamini karto, waa nin gabadhu ay ku kalsoonaan karto, markuu yahay mid dheer.
2- Shaqsiyad-xoogaan

Haweenku waxay badankooda rumaysan yihiin, in ninka ka-dheer uu leeyahay shaqsiyad-xoogan, oo hadiii ay la-kulanto dhibaato, markiiba waa nin xallin-kara, sidoo kale waa nin ilaalin kara amaanka gabadhiisa.
Gabadhu markay la-kulanto nin-dheer, waxay markiiba niyadeeda galisaa farriin dhahaysa “ ninkan waa midkaad xassilooni iyo nabad-galyo agtiisa, aad ka-heli lahayd”
3- Filimaanta jacaylka-ah

Arrinta la-yaabka leh ee ay gabdhuhu u-jecel yihiin ragga dhaa-dheer ayaa ah, maadaama filimaanta jacaylka iyo taxanaha ah, ay ku arkaan sidaas.
Aflaanta jacaylka ah, waxaad ku arkaysaa markasta, in aktarka uu ka-dheer yahay atariishada, arrintana waxay keentay in gabadhu si aan ku tala-gal ahayn u aaminto, in ninka dheer uu yahay mid ku-wanaagsan arrimaha jacaylka iyo farxad-galinta dumarka, sidaas darteedna uu yahay nin laysku-aamini karo, oo lagu kalsoonaan karo.
Hadaba xaqiiqo sheegaysa miyey jirtaa, in hadii gabadhu ka dheer-tahay wiilka, ayna farxad kuwada-noolaan Karin qoyskaas, Jawaabtu waa MAYA.
Marka hore waxaad ogaataa, farxada qoyska kuma xidhna dhererka iyo miisaanka qofka, ee waxay ka-dhalataa is-fahanka ka-dhaxeeya labada qof ee lamaanaha ah ama is-qaba, laakin afkaarta dadka iyo waxay is-aaminsiiyaan ayaa keena in gabadhu jeclaato, nin ay ka gaaban tahay joog-ahaan.
Raggu ayagu, miyey jecel yihiin in xidhiidh ay la-sameeyaan gabadh ka-gaaban ayaga, JAWAABTU waa HAA. maqaalkan akhriso
Ninku hadii uu noolasha la-wadaago naag ka-dheer asaga, wuxuu dareemaa kalsooni la’aan iyo in asaga la-hogaamiyo, waana arrinta keenaysa in ninku si ogaal la’aan ah, dhankiisa uga raadiyo gabadh asaga ka gaaban joog-ahaan.
Hadaba waydiintu waxaa weeyo, maa qasabaa in aad noqoto nin dheer, si-aad u samayso xidhiidh jacayl, “Jawaabtu waa MAYA” waxaad u baahan tahay oo kaliya, inaad ka dheer tahay xoogaa, gabadha aad la-leedahay xidhiidhka jacaylka, gabdhuhuna waxay ninka-dheer agtiisa ku dareemaan kalsooni iyo daganaansho iyo waliba ammaan.
Gaba-gabo
Seddexdan sababood ee aan kor ku soo xusnay, waa kuwa ugu badan uguna xoogga badan, ee keena in dumarka badankooda raadiyaan, nin ka-dheer ayaga joog-ahaan, waliba si ogaal la’aan ah.
Ugu danbayti, hadii aad rabto inaad samayso xidhiidh-jacayl oo waara wakhti badan, sidoo kalana guulaysta, waa inaad hagaajisaa hab-dhaqankaada iyo akhlaaqdaada.
Dhammaad.
1 Comment