Inaad yeelato xidhiidh qiimahaada noolaleed dhisaya, waa waxuu qof kasta ku hamiyo inuu helo. laakin mararka qaar xidhiidhkaada jacaylka, wuxuu noqon karaa mid ku-dilaya oo sun ah.
In dadku noqdaan lamaane wada-noolaada wakhti dheer, waa wax caadi ah. laakin waayadan danbe waxaa soo badanaya. dadka raba iney ku sii-jiraan askaabulanimada ama ineyna guursanin waligood.
Cilmi-baadhis la-sameeyay ayaa lagu sheegay. in dadka cimrigooda u dhxayso 18-34 sano, iney jecel yihiin askaabulanimada ama kalinimada.
Hadaba miyey fiican tahay inaad askaabulo ahaato?
Jawaabta su’aashan waxay ku xidhan tahay, waayaha iyo xaalada markaas uu qofku ku sugan yahay. laakin qofna kuma dhiirigalinayno ineyna guursanin ama ineyna samaynin wax xidhiidh jacayl ah. kaliya waxaan kula wadaagayaa, waxyaabaha ay ku fiican tahay askaabulanimada mararka-qaar.
Waa kuwan 4 waxyaabood oo ay askaabulanimadu ku fiican tahay.
1- Farxadaada
Dadku waxay sheegaan inuu qofku guurka ka helo. caafimaad, farxad iyo inuu dhax-galo bulshada, waana wax noolasheena u wanaagsan.
Sidaas awgeed markaad yartahay, dadkaadu waxay kaa rajaynaysaa markaad waynaato. inaad qoys dhisto, si’aad ugu noolaato farxad.
Bal kawaran qofkaan helin calafkiisi, muu yahay wax lala yaabo. bulshooyinka qaar waxay u arkaan qofka aan guursanin. inuu yahay qof la-nacay oo guul-daraystay, masuuliyada qoyskiisana aan qaadi Karin.
Shaki la’aan dadka qaar, waxay rumaystaan iney yihiin dad la-nacay. siiba qofku markuu rabo inuu yeesho laamaane laakin uu heli waayo calafkiisa.
Hadaba cilmi-baadhis la-sameeyay ayaa lagu sheegay, inuu guurku keenin farxad waarta. waxaa laga yaabaa inuu qofku farxad badan dareemo billowga hore. laakin way yaraataa farxadaas, sanadba sanadka ka-danbeeya. sidaas awgeed, khasab maaha inaad guursato si aad ugu noolaato farxad waarta.
2- Xorriyada

Way adag-tahay inaad samayso waxaad rabto markaad guursato. sababtoo ah wax kasta go’aan kama gaadhi kartid kaligaa. sidoo kale ma-helaysid wakhti kugu filan oo aad kaga fikirto hawlahaada gaarkaa. laakin markaad tahay qof askaabulo ah, waxaad haysataa wakhti badan oo kugu filan. oo aad kaga fikirto qabashada hawlahaada gaarka ah iyo waxaad rabto.
Taasna macnaheeda maaha in qofka leh qoyska. uuna heli Karin wakhti uu kaga fikiro hawlihiisa. laakin waa wax ku adag qofka caadigaa inuu wada-qabto. hawlihiisa gaarkaa iyo arrimaha qoyskiisa.
Hadii aad tahay askaabulo waxaa sahlan inaad horumariso noolashaada. adigoon wax wakhti ah ku luminaynin arrimaha xidhiidhka. Sababtoo ah way adag tahay iney kuu hirgalaan wax badan. markaad tahay qof ay saaran tahay masuuliyada qoyskiisa. Waayo dadku isku-aragti iyo isku-fikir kama noqon karaan wax-walba.
Sidaas darteed, askaabulo markaad tahay. go’aanadaada si sahlan ayaad u gaadhi kartaa, xilligaad rabto ayaad dheelman kartaa. waana fursad xorriyadeed oo aysan helaynin dadka lamaanaha ah.
3- Isku-filnaansho
Markuu qofku yahay askaabulo, wuxuu noqdaa mid ku tiirsan naftiisa oo xor ah. Waana qof ku filan qabashada hawlihiisa gaarkaa.
Waxaa kuu sahlan inaad ahdaaftaada gaadho. dakhligaada gaarka ah ayaad kor u qaadi kartaa. waxaa jirta odhaah dhahda. hadaad rabto inaad wax badasho, badal intaad tahay askaabulo. waayo hadhow, ma-helaysid baytariga ramuutka wakhti aad ku badasho.
4- inaad ehelkaadi jeclaato

Askaabulo markaad tahay, waxaad u helaysa ehelkaada wakhti fiican, iyo asxaabtaada. inaad wanaajiso xidhiidhka ehelkaada waxaa laga helaa jacayl dabiici ah iyo farxad.
Dhaqamada qaar waxay kor u qaadaan xidhiidhka lamaanaha. ilaa ay ka-dhigaan guusha ugu wayn ee qofka bani’aadamka ah gaadho. waxaa dhacda laakin. in qofku markuu sameeyo xidhiidh jacayl uu helo farxad badan billowga hore. laakin uu marka danbe ka dhaxlo xanuun iyo rajo la’aan, markuu waayo qofkuu jeclaa. qofku wuxuu ku bixiyaa dadaal iyo wakhti badan, si uu u hel qofkaas uu jecel yahay.
Laakin jacaylka ehelkaada iyo asxaabtaada. uma baahno inaad wakhti iyo dadaal badan ku bixiso, si aad u kasbato.
Gaba-gabo
Anagu marnaba ma dhiiri-galinayo mana amaanayno askaabulanimada. laakin mararka qaar, si aad u gaadho hadafkaafa. waxaa fiican inaad noqoto qof askaabulo ah.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad.
1 Comment