Waxyaabaha ugu waawayn ee qofka soo-mara noolashiisa. Ee uu ka shallaayo waxaa kamid ah. Shallayga ka-dhasha, markuu noqon waayo qofkaad noolasha la-wadaagtay, sidaad moodaysay.
Qofkan marka hore waji ayuu leeyahay, marka danbana, waji cusub ayuu la soo-baxaa. facaana lama-tartami kartid Hadaad guursato qofkan noocan ahna, waad ka-shallaayi doontaa.
Waxaa jira dhawr waxyaabood oo muhiim ah, oo ay tahay inaad ka digtoonaato. Hadaad ku aragto qofkaad la-haasaawayso. Waana inaad sida ugu dhakhsaha badan u joojisaa xidhiidhkaas. Waayo hadaad noolal la-wadaagto qofka dabeecadahan leh, waad ka shallaayi doonto.
Qofka noocan ah, facaa ayuu kaa reebayaa ee ka-tasho.
1- Xidhiidho badan
Qofkaad sheekaysataan, waa inaad iska hubisaa, oo aad iska eegtaa intaadan guursanin ka-hor. Inuu leeyahay xidhiidho kale.
Qofku markuu leeyahay xidhiidho badan, waa qof aana garanaynin wuxuu rabo. Sidaa awgeed, iska-dhaaf oo haku luminin wakhtigaada.
Hadaad dareen jacayl oo aad u badan u hayso, waa inaad fasaxdaa. Sababtoo ah jacaylku maaha muuqaalka qofka, ee waa wanaaga iyo daacadnimada qofka.
Haduu khaa’in yahay qofku, oo kolba qof cusub uu xidhiidh la-sameeyo. Maaha qof aad is-fahmi kartaan oo aad isla jaan-qaadi kartaan. Marba haduuna qofku kugu koobnayn adiga, oo uu ku dhaafsan yahay. Sida ugu dhakhsaha iskaga fasax qofkaas.
2- Diidmada telefoonkiisa

Qofka noocan ah, markaad muddo wada socotaan. Hadaad ka codsato inaad eegto telefoonkiisa, wuxuu billaabayaa dagaal iyo muran.
Haduu qofku kula dagaalo ama kula murmo, markaad waydiiso inaad eegto telefoonkiisa. Kadibna intuu ku soo waco uu ku dhaho, hadaad wali ii xanaaqsan tahay, mobile-ka waan kuu keenayaa. Laakin mar-kale ha iwaydiinin inaad fiiriso telefoonkayga. Sababtoo ah, waxaan dareemayaa inaadan kalsooni igu qabin.
Waxa ugu muhiimsan ayaa ah, inaad fahanto qofkan hab-dhaqankiisa. Waayo, intuu kaa maqan yahay, wuxuu soo tirtirayaa waxa ku-jira mobile-kiisa. waana calaamad kutusaysa laba-wajiilaynta iyo khayaanada qofkaas. hadaad qof noocan ah, noolasha aad la-wadaagto, lagama yabo, inaad facaa la-tartanto.
Hadaba hadaad tahay qof hami sare xambaarsan, oo aad rabto inaad xaqiijiso. si-fiican uga fiirso qofka aad maanta la-socoto, dulqaadkiisa, go’aankiisa, hab-dhaqankiisa iyo ballamihiisa.
Waxaadna ogaataa mararka qaar. iney jiraan xaalado dhaqaalo ahaan iyo noolal ahaanba, aadan kobci Karin. Waa hadii gurigaada dab kaaga shidan yahay. wayna kugu adkaan doontaa inaad la-tartanto dadka facaaga ah.
3- Eeda badan
Hadii qofkaad la-socoto uu yahay mid ku eedeeya. markuu wax kaa khaldamo ama aad isku-dhacdaan. Waxaa hubaal ah iney adkaanayso is-fahankiina oo aad isku-dhican wax ka eegtaan.
Taas macnaheedu maaha inuu xun yahay qofkaas. laakin waa qof dhaqankiisa iyo dabeecadihiisa aadan la jaan-qaadi Karin, hadaad la-wadaagto mustaqbal.
Waayo markaad u halgamayso inaad hagaajiso mustaqbalkaada iyo noolashaada. wuxuu qofkan kugu eedeyn doonaa. Inaadan siinin wakhti fiican oo ku filan ama aadan soo-wicin badanka. Waa qof aan ixtiraamaynin halganka aad ugu jirto mustaqbalka qoyskiina. Waxaana haboon inaad iska-baadho oo aad ogaato dhaqanada qofka aad la-socoto.
4- Qofka oo aan kugu kalsoonayn

badanka waxaa dhacda, in dadka qaar ka shakiyaan lamaanahooda markuu shaqo u baxo oo kale. Sida inuu u maleeyo inuu xidhiidh la-leeyahay dadka ay wada-shaqeeyaan. Taasna waxay keentaa in qofkaas waco lamaanihiisa markasta, si uu u hubiyo. Wuxuuna waydiiyaa su’aalo badan. wakhti uu shaqo badan ku qaban lahaana wuxuu kaga lumiyaa. hadal iyo waxyaabo aan muhiimad badan lahayn.
Markaad noolasha la-wadaagto qof noocan ah. wuxuu inta badan ku dhahaa, markaad guriga ka baxayso. dhakhso soo laabo, asagoo/ayadoo waliba aad kuu daba-galaysa. waxayna keenaysaa arrintan, inuu maskaxdaada buuq ku furmo. kadibna maskaxdaada waxay joojin doontaa iney ka fikirto horumarkeeda. taas badalkeedana waxaad ka fikiri doontaa gurigaada.
Xasuusin :- markasta caqligaada waa inaad adeegsataa,. oo aad si fiicanna u fahantaa qodobadan aan kor ku soo xusnay.
Gaba-gabo
Marka hore adigu waa inaad noqotaa qof wanaagsan oo toosan. Intaas kadibna qofkaad la-sheekaysato, hadiuu yahay mid aadan ku qanacsanayn, Dabeecadihiisa iyo hab-dhaqankiisa. Waxaa haboon inaad xidhiidhkaas joojiso. Waayo xidhiidhka noocan ah wuxuu keenayaa. inaad joojiso horumarinta noolashaada, iyo inaad bursato yoolkaada.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad.
1 Comment