Noolashu waa go’aan, go’aanka ayaana noolashaada saameeya.
Waa go’aano taxan noolashu. kuwa qaar waad ku farxi markaad qaadato, kuwana mustaqbalka ayaad ka-shallaayi doontaa.
Qofku markuu waynaado, wuxuu jeclaystaa, in mar’un dib loo celiyo wakhtigiisa. Si uu khaladaadkiiso u soo saxo.
Hadab aida ugu fiican ee aad uga adkaan karto, shallayga badan ama dareenada noocan ah. waa inaad khaladaadkaada wax ka-barataa. Waxaa dheer intaas, hadaad ka fiirsato natiijooyinka ka dhalan-kara go’aanada aad qaadanayso. waxaa kaa yaraanaya shallayga badan walaaca.
Waa kuwan 5 go’aan oo hadaad qaadato aad ka-shallaayi doonto.
1- Inaad naftaada daacad u noqon waydo
Way adag tahay inaad daacad u noqoto naftaada. waxayna u baahan tahay inaad naftaada aqoon badan u yeelato. waxaa sidoo kale fudud inaad ku dhacdo dabinka ah. iney aaminto naftaadaa waxay maqasho, halkay aamini lahayd waxa xaqiiqada ah.
Sikastaba ha-ahaatee, haday samaynayso naftaada waxyaabo ayna ku qanacsanayn. maxaad u samaynaysaa waxaas, oo ay maxay muhiim kuugu tahay.
hadaad samaynayso, waxyaabo ayna ku qanacsanayn naftaada. waxaad dareemi doontaa in waxaad samaynaysoo dhan yihiin wax khaldan. Oo aysan jirin wax kale oo aad samayso. sidaas darteed waa inaad wadadaas iskaga sii-socotaa. waayo magaranaysid wax kale oo aad samayso.
Laakin waxaad ogaataa markasta. inuu jiro dariiq toosan oo aad noolashaada ku haagin karto. Iyo in wax-kasta is-badali karaan, mana aha inaad sanado kale sugto, si aad u samayso is-badal. maantaba waad billaabi kartaa inaad samayso isbadal. laakin waa inaad naftaada daacad u noqotaa.
2- Dayacida fursadaha

Mararka qaar, maaha wax fudud inaad qaadato qo’aanka saxdaa. gaar ahaan markaad arrimo waawayn kala dooranayso. sida xidhiidhkaada jacaylka iyo shaqadaada.
Hadii markaa arrin kula saxnaato. laakin aad ka baqayso inaad sheegto, hala-gabanin ee sheeg. marnaba cabsida yeyna kaa hor-istaagin, inaad ka faa’idaysato fursadaha aad heshay.
3- Ehelkaada oo aad xidhiidhin waydo
Waa wax caadi ah inaad mashquul noqoto. Markaad ku mashquulsan tahay hawlahaada, waxaa adag inaad firaaqo hesho. Laakin markaad waynaato, waxyaabaha aad muhiimka u aragto hadda. waxay noqon doonaan waxyaabo aan qiimo lahayn. waxa kuu soo-hadhi doona ee ugu qiimaha badan. waa ehelkaada iyo wakhtigi wanaagsanaa ee aad la-qaadatay.
Xidhiidhka fiican ee kaala dhaxeeya dadkaada iyo asxaabtaada. waa waxa noolashaada macnaha u yeelaya. sidaas awgeed, ha-dayicin ehelkaada, adigoo ku mashquulaya waxyaabo aan lahayn qiimo badan.
4- Inaad ku qiimayso naftaada, waxay dadka kale ku-dhahayaan.

Hadaa ku qiimayso naftaada waxay dadka kale kaa sheegayaan. waa dabin kaa fogaynaya inaad barato shaqsiyadaad dhabta ah. waayo, waxay dadka kale kugu sheegayaan markaad aaminto. sida inaad u sheegto naftaada, inaadan u qalmin In lagu-jeclaado, hadii dadka ku jeclaan waayaan.
Markasta Waxaad ogaataa, iney jiraan dad aan ku-jeclaanaynin. kuwo ku xanta iyo kuwo aan kuu mahad-celinaynin. hadaba intaad ka walwali lahayd waxay kaa aaminsan yihiin dadka kale. waxaa kuu muhiimsan inaad ka shaqayso hagaajinto noolashaada iyo xaqiijinta yoolashaada.
5- Xidhiidhka aadan ku-faraxsanayn
Waxaa dhici karta inaad ku qanciso naftaada, iney sii-wadato xidhiidh ayna ku qanacsanayn. waayo, waxaa kaaga baxay xidhiidhkan wakhti badan, tamar badan, dadaal iyo dareen badan. waana waxa kugu khasbaya inaad iskasii-wadato xidhiidhkaas. halkaad wajihi lahayd inaad mid cusub dib u billowdo.
Dabcan waxaa macquula inaad ka baqayso. inaad waydo qof kale oo kaaga fiican midkan, Oo kuula dhaqma si wanaagsan. laakin waxaa xaqiiqo ah, iney jiraan dad kale oo fiican oo kaaga mahad-celinaya dadaalkaada, oo si wacan kuula dhaqmi doona.
Haduu yahay lamaanahaada hadda, midaad ku qanacsanayn. waxaa haboon inaad joojiso xidhiidhkiisa, oo aad raadiso mid cusub.
Gaba-gabo
Waa adiga oo kaliya qofka garanaya waxuu rabo, wuxuu doonaya wuxuu jecel yahay iyo waxa ku haboon. hadaba hadaad u ogolaato dadka kale, iney kuu go’aamiyaan waxaad samaynayso. waxaa dhab ah inaad ka-shallaayi doonto mustaqbalka danbe.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad
1 Comment