Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihis better

Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis

Waxaa macquula inaad jeclaan lahayd inaad kordhiso dhererkaada.

Waxaana laga yaabaa in qofka lamaanahaada ah uu kaa dheer yahay joog ahaan, aadna ka xuntahay. Sidaas darteed aad rabto inaad kordhiso dhererkaada. Ama aad rabto inaad ogaato habab aad ku kordhin karto dhererkaada.

Inta badan dhererka qofka wuxuu ku xidhan yahay arrimo badan. sida hormoonada jidhka qofka, deegaanada aad ku nooshahay. nooca cuntada aad cunto iyo hidahaada.

Hadaba hadii aad moodaysay inaadan kordhin Karin dhererkaada. Waxaan kula wadaagayaa jimicsiyo kaa caawinaya inaad kobciso dhererkaada. Jimicsiyadan qaarkood waa kuwo aad u wax-tar badan. waxayna kaa caawinayaan in todobaada gudihiis dhererkaada uu kordho, oo aad aragto natiijo.

9- jimicsi oo kobcinaya dhererkaada iyo joogaada jidhka.

1- Jimicsiga laa-laadka (hangin exercise)
Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis

Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis

Waxaad qabsataa geedka ama birta, kadbina iska soo laa-laadi, adigoon dhulka taabsiinaynin cagahaada.

Jimicsigan waa mid fudud aadna u wanaagsan. Uma baahnid inaad isticmaasho qalab gaar ah. Kaliya waxaad u baahan tahay wax kaa dheer, oo aad iska soo laa-laadiso. Sida bir kaa dheer ama geedka xaadiina ku yaall.

Jimicsigan waxaad samaysaa 20 ilbidhiqsi maalin walba. Mrkastana sii kordhi wakhtiga.

Faa’idooyinka jimicsigan ku jira waa.

  • In si wanaagsan u kala baxo jidhkaada.
  • In murqaha jidhka kala fidaan.
  • Iyo inaad si dabiici ah u dheeraato.
2- Dhulka saar gacmaha iyo cagaha ( downward dog)
Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis
Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis

Adiga oo foorarsanaya waxaad dhulka saartaa cagaha iyo gacmaha. Qaybtaada danbana kor u qaad, gacmahaaduna waa iney garbahaada ka horreeyaan.

Jimicsigan waxaad samaysaa 3-5 jeer oo min 10 il-bidhiqsi ah.

Jimicsigan faa’idooyinkiisa waxaa kamida.

  • Inuu si wanaagsan u kala bixiyo gacmaha, lugaha, dhebarka, kubabka iyo murqaha bawdada..
3- Jiifka kobraha (copra pose)

Seexo dhulka adigoo cagaha isku-dhajinaya. Gacmahaadana dhulka saar adigoo garbaha la-simaya, shafka iyo madaxaadana kor u qaad.

Waxaad ahaataa sidaas 20 ilbidhiqsi.

Jimicsigan faa’idooyinkiisa waxaa kamida.

  • Inuu kala bixiyo murqaha garbaha, shafka iyo caloosha.
4- Kala-bixinta kubka (calves stretch)

Gacmaha saar darbiga guriga. Dib u soo qaad lugta midig, lugta bidixna horey u qaad. Kadibna adigoo dhulka ku haya kala bixi lugta.

Sidaas waxaad ahaataa 5 ilbidhiqsi, intaas kadibna kala badal lugaha. Marba marka ka danbaysa wakhtiga sii kordhi. Hana illaawin inaad hawo qaadato.

5- Xadhig ka-boodka (skipping)

Habka xadhiga ka-boodka waa qaab kale oo aad dhererkaada ku kordhin karto.

Jimicsigan faa’idooyinkiisa waxaa kamida.

  • Inuu murqaha jidhka oo dhan kala bixiyo.
  • Inuu kaa dhigo qof dhuuban. Waxaadna u muuqan doontaa qof dhuuban oo dheer.
6- Kala-bixinta qoorta (neck stretch)
Habab aad ku kordhin karto dhererkaada. isbuuc gudihiis
Habab aad ku kordhin karto dhererkaada isbuuc gudihiis

Kursi ku fadhiiso, adigoo si fiican u taagaya dhabarkaada. Kadibna soo qallooci qoortaada, ilaa xabadka uu soo taabto gadhkaada. Sidaasna ahow 20 ilbidhiqsi. kadibna kor u qaad madaxa, adigoo xaga danbe u qalloocinaya. 20 ilbidhiqsi sidaas ahow. Kadibna toosi madaxa, waxaadna jimicsigan samaysaa 5 jeer maalinti.

Fa’idooyinka jimicsigan waxaa kamida.

  • Inuu murqaha qoortaada dheereeyo.
7- Kala-bixinta miskaha (hip flexor stretch)

Jilibkaada bidixda ku fadhiiso, lugta midigna xaga danbe u fidi. Gacmaha kor u taag, miskahaadana horey u soo riix. 30 ilbidhiqsi sidaas ahow, kadibna kala badal cagaha.

Faa’idooyinka jimicsigan waxaa kamida.

  • inuu murqaha bawdada iyo miskaha kala bixiyo.
  • Inuu kala bixiyo murqaha bawdada iyo miskaha.
8- Suulasha Kor iskugu taag (lifting up to your toes)

U istaag si toos ah, adigoo dhulka ka qaadaya cidhbahaada ilaa 5cm. xoogaa sidaas ahow adigoo samaynaya sidaas 8-10 jeer.

Waa mid caan ah jimicsigan. Hadii aad u samayso si joogta ah, wuxuu si wanaagsan u kordhin doonaa joogaada jidhka.

9- Dabaasha (swimming)

Dabaashu waa mid kamida jimicsiyada ugu wanaagsan ee kordhinaya jooga jidhka. Dabaashu waxay si fiican u-kala bixisaa laf-dhabarta iyo murqaha jidhka. isku-day inaad jimicsigan samayso 5 jeer todobaadki.

Gaba-gabo

Jimicsiyadan si joogta ah u samee, hadii aadan ku qanacsanayn joogaada.

Ugu danbaynti, hadii aad 25 sanoka wayn tahay. waxaa habboon inaad waddo samaynta jimicsiyadan in muddo ah, si aad u hesho isbadal dhab ah.

Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.

Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *