Qofka astaantan leh, waa qof awooda inuu arko ama fahmo wax dadka kale aysan fahmaynin.
Waxaa jira dad inta badan jecel iney baadhaan ama ogaadaan waxkasta. Ayagoo waxaas u baadhaya qaab gaar u ah ayaga. hadii aad tahay qof fikir badan, akhriso maqaalkan.
Dadkan waa kuwo aad u fikira, oo ka duwan dadka caadiga ah. Waa dad xikmad badan oo hadalkooda uu kooban yahay.
Dadka noocan ah waa kuwo u fikira si qoto-dheer. Adigana waxaa laga yaabaa inaad kamid tahay dadka noocan ah. hadii aad leedahay astaamahan.
1- Halmaan badan
Waxaa dhici karta inaad la-yaaban tahay. sababta ay maqcuul u tahay inuu bato halmaankooda, dadka u fikira sida qotada-dheer.
Sababta uu u batay halmaankooda waxaa weeyo. Waxay dadkan ka fikiraan waxyaabo badan, waana arrinta ku ah dhibaatada. Waxaa dhici karta inuu qofku xalliyo arrimo badan ama inuu barto wax cusub. Laakin uu xasuusan waayo hawlihiisi kale ee sugayay inuu qabto. Sida inuu illaawo ballanti uu lalahaa lamaanihiisa uu jeclaa. ama inuu qabto wax kale oo muhiima oo laga sugayay. Waxaa dhici karta inuu xasuusan waayo waajibaad sugayay inuu qabto asaga.
Dhammaan waxyaabahan maaha, waxyaabo uu qofku u samaynayo si kas ah. Laakin waxaa dhici karta iney yihiin, waxyaabo uu xiiso badan u haynin qofkaas. Waana sababta keentay inuu markasta halmaamo.
2- Fiiro-dheer

Dadka u fikira sida qotoda-dheer, wuu kooban yahay hadalkooda. Fiiradooduna way dheer tahay. waxay aad u qiimeeyaan xaalada iyo mawduuca, ka hor inta aysan ka hadlin, ama go’aan aysan gaadhin. Waayo dadkan uma sahlana iney jawaab ka-bixiyaan. xaalad aysan qiimaynin ama ayna ka fikirin.
Intaada gaadhin go’aanka. waxaad u baahan tahay wakhti aad ku qiimayso xaalada. iyo inaad ogaato dhacdooyinka iyo xaqiiqooyinka ku geedaaman xaalada.
Waxaa laga yaabaa iney ku wareeraan dadka, qofka sifadan leh. Maadaama ay jawaab dag-dag ah inuu bixiyo ka sugayaan. Laakin qofkan ma awoodo inuu bixiyo jawaab dagdag ah. Maadaama uu jawaabta ka fikirayo.
Warka wanaagsan ayaa ah, in qofkan inta badan uu gaadho go’aan fiican. Maadaama uu qiimaynayo ama uu ka fiirsado xaalada, dhinac kasta.
3- Xorriyad
Qofka fikirka badan, maadaama inta badan uu yahay qof kali ah. Wuxuu bartaa xilli hore, inuu naftiisa ku tiirsanaado oo xor noqdo.
Wuxuu badanaa wakhti fiican la-qaataa naftiisa. taas oo keenaysa inuu si qoto-dheer u barto naftiisa. Wuxuu noqda qof naftiisa ku tashada markasta, dadka kalana iskuma halleeyo. Kamana helo inuu dadka kale dhax-galo iyo inuu kaalmo ka dalbado.
4- Af-gaabnida

Dadka fikirka badan, inta badan waa kuwo af-gaaban ama aamusan oo xidh-xidhan.
Dabcan waa calaamad cajiib ah. markaad maanta oo dhan aad la-sheekaysanayso ama aad la-hadlayso naftaada. Wakhti yarna aad ku bixinayso inaad la-qaadato bulshadaada wakhti.
Badanaa qofka fikirka badan ma fur-furna. Waayo maaha waxay sameeyaan dadka caqliga badan.
5- Dareen dadnimo
Qodobkan inaad la-yaabto ayaa laga yaabaa. laakin dadka u fikira sida qotoda-dheer, waxay leeyihiin dareen dadnimo. Sida iney qoslaan, sheekeeyaan, baashaalaan oo wakhti fiican la-qaataan dadkooda. Laakin ma badna.
6- Xallinta dhibaatooyinka
Dadka noocan ah waxay aad ugu wanaagsan yihiin, xallinta dhibaatooyinka. Maadaama ay u fikiraan si dabiici ah.
Waxaa yar iney sameeyaan dadkan, khalaada waawayn. Maadaama ay dhinac kasta ka qiimeeyaan dhibaatada ay xalka u raadinayaan.
Gaba-gabo
Hadii aad tahay qof u fikira si qoto-dheer ama wax u qiimeeya, hambalyo. Waxaad leedahay astaan lagu faano oo qiimo badan.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Mahadsanid.
1 Comment