Inaad samaysato xidhiidh-jacayl oo dhisaya qiimahaada noolaleed, waa wax uu qof-kasta uu jecel yahay inuu helo, laakin mararka qaar, wuxuu noqon karaa xidhiidhkaada-jacaylka, mid sun ah oo ku burburinaya.

In-ay dadku noqdaan lamaane wada-noolaada wakhti-dheer, waa wax caadi ah, laakin wakhtiyadan danbe waxaa sii kordhaya, dadka raba iney iska sii-ahaadaan askaabulo ama in-ayna guursanin waligood.
Cilmi-baadhis la-sameeyay ayaa lagu sheegay, in dadka cimrigooda uu u dhaxeeya 18-34 iney rabaan iney ahaadaan askaabulo ama ineyna rabin wax guur ah.
Hadaba miyey wanaagsan tahay inaad ahaato askaabulo waligaa?
Jawaabta su’aashan waxay ku xidhan tahay xaalada iyo waayaha aad ku nooshahay, laakin qofna kuma dhiirri-galinayno iney askaabulo ahaadaan ama ineyna samaysanin qoys iyo xidhiidh-jacayl, kaliya waxaan kula-wadaagayaa, waxyaabaha ay ku fiican tahay askaabulanimada xilliyada-qaar.
Waa kuwan 4 arrimood oo ay ku fiican tahay askaabulanimada.
1-Farxadda

Dadku waxay sheegaan in qofku uu guurka ka-helo farxad, daganaansho, caafimaad iyo inuu dadka dhax-galo, waana waxyaabo u wanaagsan noolasheena.
Sidaas awgeed, bulshada aad ku dhax-nooshahay waxay kaa rajaynayaan markaad waynaato, inaad yeelato qoys, si-aad ugu noolaato farxad iyo caafimaad.
Laakin ka-waran qofka calafkiisa aan helin, may tahay wax lala-yaabo, bulshooyinka qaar ayaa u arka, hadii qofku heli waayo calafkiisa, inuu yahay qof la-nacay ama aan la-rabin, wuxuu u muuqdaa inuu yahay qof guul-daraysaty oo aan qaadi Karin wax masuuliyad qoys ah.
Shaki la’aan dadka qaar, waxay aaminaan iney yihiin dad aan la-rabin, siiba qofka raba inuu yeesho lamaane, laakin heli waayay calafkiisa.
Hadaba cilmi-baadhis la-sameeyay ayaa lagu sheegay, in guurku uuna keenaynin farxad waarta, waa laga yaabaa in qofku dareemo farxad badan dhawrka sano ee ugu horreeya, laakin wakhti kadib, way yaraataa farxadaas, sidaas awgeed, khasab maaha inaad guursato, si-aad u dareento farxad waarta, waxaadna ogaataa in farxadaadu daruuri u ahayn guur iyo inaad samaysato xidhiidh.
2- Xorriyad

Hadii aad guursato way adag-tahay inaad samayso waxaad rabto, waayo kaligaa go’aan kama qaadan kartid waxkasta, mana helaysid fursad aad kaga fikirto danahaada khaaska ah, laakin hadii aad tahay askaabulo ama qof madax-banaan, waxaad haysataa fursad iyo wakhti badan oo kugu filan, oo aad kaga fikiri karto hawlahaada gaarka ah.
Taas macnaheeda maaha, in qofka qoyska leh uuna gaadhi Karin yoolkiisa, laakin waa arrin ku adag qofka caadiga ah, inuu wada-qabto arrimaha qoyskiisa iyo danihiisa gaarka ah.
Hadii aad tahay askaabulo, waxaa kuu sahlan inaad noolashaada horumariso, adiga oona wakhti badan ku bixinaynin arrimaha qoyska iyo xidhiidhka.
Way adag tahay inuu kuu hirgalo hadafkaada, markaad tahay qof ay saaran tahay masuuliyada qoyska, waayo dadku isku-fikir iyo isku-dhookh kama noqdaan waxwalba.
Hadaba markaad tahay qof askaabulo ah, waxaa kuu fudud inaad gaadho go’aan kasta oo aad rabto iyo inaad fuliso waxaad rabto inaad xaqiijiso, sidoo kale waxaad gurigaada aadi kartaa markaad doonto, waana fursad xorriyadeed oo ayna helaynin dadka is-qaba.
3- Isku-filnaansho
Markaad tahay qof askaabulo ah, waxaad tahay qof xor ah oo ku tiiran naftiisa, kuna filan arrimihiisa khaaska ah.
Waxaa kuu sahlan inaad gaadho hadafkaada, waxaad kordhin kartaa kaydkaada dakhliga, waxaana jirta odhaah dhahda, hadii aad rabto inaad wax badasho, same inta aadan guursanin ka-hor, waayo hadhow ma awoodi doontid inaad badasho baytariga rimuutka, waayo ma-helaysid fursad aad ku badasho.
4- inaad jeclaato ehelkaadi
Qofku markuu yahay askaabulo, wuxuu wakhti fiican la-qaataa ehelkiisa iyo askaabtiisa, wanaajinta xidhiidhka kaala-dhaxeeya ehelkaada, waxaa laga helaa farxad, daganaansho iyo jacayl dabiici ah.
Qaar kamid ah bulshooyinka adduunka, ayaa kor u qaada xidhiidhka lamaanaha iyo inuu qofku guursado, ilaa ay ka dhigeen guusha ugu wayn ee qofku gaadhi karo.
Waxaa dhacda, markuu qofku yeesho xidhiidh jacayl, inuu helo farxad badan billowga hore, laakin marka dane uu ka-dhaxlo walwal iyo rajo-la’aan, hadii uu waayo qofki uu jeclaa, wuxuuna qofka ku bixiyaa dadaal iyo wakhti badan, siduu ku heli lahaa qofkaas uu jeclaaday.
Laakin xidhiidhka asxaabta iyo midka ehelkaada uma baahna wakhti iyo dadaal badan, inaad ku bixiso, si aad u kasbato qalbigooda.
Gabo-gabo
qoraalkan maaha mid aan ku amaanayno askaabulanimada ama aan ku difaacayno, balse xilliyada qaar, si aad hadafkaada u gaadho, waxaa fiican inaad askaabulo ahaato.
Ugu danbaynti, hadii aadan haysanin qof aad isku-fikir tihiin, waxaa hubaal ah inaad ku dhibtoon doonto noolasha, qofkaad noolasha la-wadaagayso waa inaad aad uga fiirsataa, dadka qaar intaad la-noolaan lahayd waxaa ka haboon inaad ahaato qof askaabulo ah.
Dhammaad.
1 Comment