Hal sifo oo wiilka leh gabdhaha oo dhan jecel yihiin better to know

Hal sifo oo wiilka leh gabdhaha oo dhan jecel yihiin
Hal sifo oo wiilka leh gabdhaha oo dhan jecel yihiin

Mararka qaar, waxaa jira waxyaabo yar-yar oo aan la-siinin ahmiyad wayn. Laakin saamayn wayn leh, oo aad qofka maskaxdiisa iyo qalbigiisa ku qabsan karto.

Cilmi-baadhis lagaga faalloonayay. Astaamaha aan aadka loo aqoonin ee dumarku jecelyihiin, iney yeeshaan nimanka. Ayaa dhawaan lagu soo ban-dhigay wargays caan ah.

Hadaba hadaad tahay wiil raba inuu ogaado. Qaababka saamaynta loogu yeelan karo qalbiga dumarka. Akhriso maqaalkan oo noqon doona jawaabta su’aashaada.

Daraasadan waxaa lagu sheegay, wiilka yaqaana sida dumarka looga qosliyo. Inuu yahay mid si-sahlan ku hanan kara guud ahaan dareenka gabadha.

Arrinka yaabka leh ayaa ah. In dumarku debeecad ahaan si toos ah ayna u raadinin sifada kaftanka. Hadana ay tahay sifo ay aad u-jecel yihiin.

Dabcan ma-jirto gabadh odhanaysa, waxaan rabaa wiil iga qoslin kara. Hadana waa dabeecad maskaxda dumarka si ogaal la’aan ah u raadiso. Sifadan ninka leh, waxay u arkaan. Inuu yahay mid ka soo-jiidasho badan kana caqli badan nimanka kale.

Sida caadiga ah, qofka yaqaana kaftanka waxay dadku u arkaan. Inuu yahay mid bulshaawi ah, dadkana saamayn ku leh. Laakin gabdhuhu waxay u arkaan ninka leh sifadan. Inuu yahay qof leh, soo-jiidasho heerkeeda uu sarreeyo. Sababta ay dumarku u xiiseeyaan astaantan ayaa ah. In qosolka iyo kaftanku dareensiiyo, dareen wanaagsan oo togan. Dadka oo dhanna way jecel yihiin goobta iyo qofka ay ka-heli karaan, dareenka wanaagsan.

Hadii aadan ahayn, nin yaqaana kaftanka. Halkan ayaan kugula wadaagayaa, farsamo aad ku baran karto kaftanka. Iyo sidaad dadka uga qoslin lahayd.

Laakin intaanan kula wadaagin farsamadaas, mar-walba waxaad ogaataa. Sheekada iyo hadalka ka qosliya dadka, inuu yahay. Inaad sheegto hadal ayna maskaxda qofka filanaynin oo la-yaab ku noqda. Hadba inta ay yaabto maskaxda qofkaas. Ayuu la ekaan doonaa qosolka uu arrintaas ku qoslayo.

Farsamada aad qofka kaga qoslin karto waa 2 qaacido.

1- Qaacidada “HAA” iyo “MAYA”

Haduu qof ku waydiiyo su’aal jaaabteedu tahay “HAA” ama “MAYA”. Waa inaad ku jawaabtaa, marba jawaabta lagaa filanayo midaan ahayn oo ka soo hor-jeeda. Tusaale ahaan: qof ayaa ku waydiiyay, waalidkaada maad jeceshahay? Qofka markuu ku waydiinayo su’aashan, wuu sii og-yahay waxaad ku jawaabayso. Markan oo kale, si aad uga yaabsato maskaxda qofkaas, waxaadna dhihi kartaa. Maya ma-jecli, ma waxaad aragtay qof waalidkiisa jecel?

Waxaa dhacaysa, in qofkaas si ogaal la’aan ah u qososho. Maadaama aad ku jawaabtay hadal maskaxda qofka ayna ku tala-galin iney maqasho.

2- Qaacidada 3-da dhibcood.

Hal sifo oo wiilka leh gabdhaha oo dhan jecel yihiin
Hal sifo oo wiilka leh gabdhaha oo dhan jecel yihiin

Qaacidadan waxaa weeyo, in maskaxda qofka u aragto wax-walba oo isku mid ah, qaab leen toosan ah, oo isku xiga. Tusaale ahaan: hadaan ku dhaho, dugsigaygu waa 3 qaybood, dugsi sare, dugsi dhexe, iyo…

Intaan kuu sheegin midka seddexaad. Maskaxdu waxay sii og-tahay, inaan dhihi doono, dugsiga hoose.

Hadaba si hadalkaada u noqdo, mid ayna filanaynin maskaxdu, waa inaad jabisaa sharcigaas. Oo aad ka dhigtaa midka ugu danbeeya, waxaan ahayn, wixi la-filayay. Sida inaad dhahdo, dugsiga sare, dugsiga dhexe, iyo buugaagta. Waa hadal aan is-haysanin, wuxuuna maskaxda qofkaas ku abuurayaa la-yaab.

Inta badan markaad ku hadasho waxaan la-filanaynin, keenaan qosol. Waana sababta aan ugu qosolno badanaa, marka uu kufo oo uu dhulka ku dhaco mid kamida asxaabtaada. Sababtoo ah maaha waxaan filaynay inuu dhaco.

Qaacidadan way sahlan tahay. Is-bar oo markasta badal hadalka qaybtiisa danbe ee lagaa filanayo inaad sheegto.

Gaba-gabo

Muhiimadu waa inaad ka-yaabiso maskaxda qofka, adigoo sheegaya hadallo uusan filanaynin. Taasoo qofka ku keenaysa inuu qoslo si dabiici ah. Tusaale kale, hadii uu qofku kugu dhaho. Markuu ilmahaadi koowaad kuu dhashay, maxaad dareentay? Wuxuu qofkaas sii garanayaa inaad dhihi doonto, waxaan dareemay masuuliyad. Hadaba si aad maskaxda qofkaas uga yaabsato, waxaad odhan kartaa. Waxaanba dareemay ineyna wax masuuliyad ah i-saarneen. Intaas kadibna kaftan ayaad ka dhigi kartaa sheekada, markaas ayaad odhan kartaa waan kaftamayay. Adigoo dhahaya awlaadu waa raxmad alle na-siiyay, masuuliyad ayeyna u baahan yihiin.

Akhriste hadii aad is-barto labadan qaacido. Waxaad noqon doontaa, mid gabdhuhu si ogaal la’aan ah u daneeyaan, aadna u soo-jiita.

Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *