Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto better to know

Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto
Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto

Hadii aan hal su’aal ah ku waydiiyo, waa maxay waxa ay jecel yihiin iney ogaadaan dadka oo dhan?

Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto

Hadii aad garatid jawaabta su’aashan, waxaag haysataa mid kamid ah hubabka ugu khatarta badan, ee dadka caqligooda lagu maamulo, saamaynta loogu yeesho wax-qabadkooda, iyo mid kamid ah furayaasha soo-jiidasha iyo shakhsiyada xooggan.

Qof kasta wuu jecel yahay inuu dadka saamayn ku yeesho, iyo inuu raad fiican kaga tago qalbiyada dadka kale.

Hadaba waxaa jira habab qalbiyada dadka saamayn loogu yeesho, waxaase ugu saamayn badan, habka la-dhaho faduul-ku-beeris

Hagaag, bal aan sharraxo macnaha faduul-ku-beeris.

Horta wali maad is-waydiisay sababta aan u xiisayno, qofka aan ina wada-siinin xogta uu hayo ama mida ku saabsan noolashiisa, maxaan u jecel nahay inaan wax cusub ka ogaano shaqsiyada qofkaas, maxaan uga door bidnaa dadka kale qofka xogtiisa qariya, qofka aan wax-kasta inuu sheegin, ee maalin kasta wax-yar inoo soo gudbiya?.

Hadaba si aad u fahanto xeeladan, una noqotid qof xogtiisa aan la-wada heli Karin, waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad isticmaasho qaacidada faduul-ku-beerista, oo ah inaad dadka wax-yar oo ku saabsan xogta u sheegtid, si ay kuu xiiseeyaan in-badan, enaga oo ka shidaal qaadanayna qaacidada faduusha ama dareenka inaad wax ogaatid, waana mid kamida xeeladaha ugu saamaynta badan, ee hab-dhaqanka qofka dhaqaajiya.

Tan waxaa caddayn u ah, waxaa laga yaabaa inaad aragtay xaalad, ay maskaxdaada hal hees ku soo noq-noqotay, nashiido ama hadallo aad ka maqashay filin aad daawatay, hadaba si aad maskaxdaada uga saarto heestaas ama hadalka aad maqashay, xalku maaha inaad is-hilmaansiiso ama aad dhagaysato wax kale.

Xalka ugu fudud waa inaad dib u wada-dhagaysataa heestaas ama hadalkaas aad maqashay, intaas kadibna wuu ka baxayaa maskaxdaada wixi ku soo noqnoqonayay.

Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto
Hal xeelad oo aad qof kasta ku maamuli karto
Hadaba waa maxay sababta?

Jawaabta su’aashan waxaa weeyo, markaad wada-dhagaysatay wixi ku soo noqnoqonayay maskaxdaada, waxaa meesha ka baxay faduushi ku haysay.

Qofka markuu faduul ku beero ama aad xogtiisa ama fikirkiisa wax badan ka ooogggayn, wuxuu saamyn heerkeeda aad u sarreeya ku yeeshaa qalbigaada, taas oo keenaysa inuu qofkaas ku soo noq-noqdo qalbigaada, waxaa dhici karta inaad billowga aadan ka helin qofkaas, laakin waxaa hubaal ah, inaadan joojin Karin ka-fikirka qofkaas.

Xeeladan waxay kaa dhigaysaa, qof saamayn joogta ah ku leh maskaxda dadka, waxaadna noqon doontaa waxyaabaha ay sida maalin laha uga fikiraan, waayo waxaa wali jira, xog aadan wada-sheegin iyo waxyaabo ayna kaa ogeyn.

Si aad u joogtayso saamayntaada, muhiim maaha inaad dadkaada ka fogaato, eek u dhax-jir dadkaada, laakin wax kasta oo aad taqaanid hawada sheegin waligaa, markasta wax la-hadh, hana la-yaaban waxyaabaha ay maqlaan ee adiga kugu saabsan, mararka qaarna ha is-waydiiyaan sababta ayna horey ugu ogaan waayeen arrintaas, xeeladahan waxay kaa dhigayaan qof dareenkada, si la-yaab leh saamayn wayn ugu yeesha, mana joojin karaan iney kaa fikiraan, niyada ayey kugu hayn doonaan, ma-xakamayn karaan dareenkooda, sababtoo ah waxaa jira wax shaqsiyadaada kamid ah oo si-wayn dadkaas u soo-jiidanaya.

Waxaa jira arrimo ay ogyihiin inaadan u wada-sheegin, iyaguna ay rabaan iney ogaadaan, waana sababta ayna u awoodin iney kaa xiisa dhacaan.

Hadaba waa maxay waxa dadka oo dhan jecel yihiin iney ogaadaan?

Dhammaan bulshooyinka kala duwan, xagga dhaqanka, diinta iyo midabkaba, waxay ka siman yihiin iney doonayaan iney ogaadaan waxaas, dadka qaarkood habeenki oo dhan ma seexdaan, kaliya si ay u ogaadaan shaygaas, halka dadka qaarkii ay u sameeyaan dilal, si ay u ogaadaan waxaas.

Dadka hantida leh iyo kuwa saboolka ahba, way ka siman yihiin rabitaanka shaygaas, adigana hadii aad garato waxay sidaas oo dhan dadku u jecel yihiin iyo waxay sidaas oo dhan u xiisaynayaan, waxaad awoodi doontaa inaad ku yeelato qalbiyadooda saamayn wayn, sidaad rabtana aad u jihayn karto.

Hadaba hadii aan kaaga jawaabo waydiinteeni ahayd, waa maxay waxa qof kasta uu rabo inuu ogaado, waxaa weeyo, dadka oo dhan waxay rabaan iney ogaadaan, waa sirta.

Waayo marka uu jiro wax sir kuu ah oo qarsoon, waxaa jira dadka qaar oo aan waxba cuni Karin, hurdana aan seexanaynin, ilaa ay soo ogaadaan waxaas moogiye, sidoo kale waxaa jira kuwo safarro dhaa-dheer u gal, si ay sirtaas u soo ogaadaan.

Hadaba maadaama aad qodobkan ogaatay, markasta waa iney jiraan wax dadka aadan u sheegin oo kuu qarsoon, arrintana waa mid kaa dhigaysa, qof ay dadku u hogaansamaan, aadna u xiiseeyaan ag-joogiisa, waana xilliga aad gacanta ku dhigayso furayaasha soo-jiidashada qalbiyada dadka kugu xeeran.

Gabo-gabo

Hadii aad ogaatay qodobkan saamaynta uu leeyahay, adiga ayey masuuliyada ku saaran tahay, waana inaad u isticmaashaa si wanaagsan oo aad dadka ku waxyeelaynin.

Ujeedada xogtan maaha inaan rabno, inaan dadka faduul ku beerno, kadibna aan ka faa’idaysano dadka, dhaqaala ahaan iyo dareen ahaanba, laakin waa inaan hagaajinaa xidhiidhka dadka kale aan la leenahay iyo saamaynteena bulshada dhaxdeeda.

Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *