Maa khasabaa inuu bixiyo wiilku lacagta shukaansiga | better

Maa khasabaa inuu bixiyo wiilku lacagta shukaansiga
Maa khasabaa inuu bixiyo wiilku lacagta shukaansiga

Waayadan danbe, dumarku waxay noqdeen kuwo isku-filnaaday dhaqaalo ahaan. sidaas awgeed waxaa jirta dood odhanaysa. maa wiilka ayaa bixinaya lacagta shukaansiga mise waa la-qaybsanayaa.

Dadkuna aragtiyo kala-duwan ayey ka haystaan. in wiilashu lacag ku bixinayaan shukaansiga iyo in-kale.

Bulshooyinka qaar ayaa aaminsan. inay khasab tahay inuu wiilku lacag ku bixiyo shukaansiga. maadaama dumarku ku bixiyaan wakhti iyo dadaal badan, si-ay iskugu diyaariso kulanka wiilka. waana shaqo badan oo ay samaynin nimanku. sidaas awgeed waa inuu ninku qaadaya masuuliyada iyo kharashka haasaawaha.

Wakhtigan danbe waa caadi in la-qaybsado kharashka kulanka. laakin waagi hore, wiilasha ayaa ahaa kuwa bixinaya kharashka shukaansiga. dood iyo muranna kama-jirin inuu bixiyo ninku.

Waatan sababta ay khasabka u atahay, in wiilku bixiyo lacagta haasaawaha.
1- Ceeb

Ugu-horreyn in gabadhu qayb-bixiso kharashka, maaha wax ceeb ah. waliba markuu yahay wiilku midaan lahayn awood badan xagga dhaqaalaha. waxaana wamaagsan in labada qof ee haasaawuhu ka dhaxeeyo isku-turaan. waliba xilliyada adag ee ay ku-jiraan halganka xidhiidhka jacaylka.

midda kale farqi-wayn ayaa u dhaxeeya. wiilka wajahaya duruufaha adag ee noolasha. iyo midka cajiska badan, ee aan qaadi karin masuuliyadda xidhiidhka.

2- Masuuliyad
Maa khasabaa inuu bixiyo wiilku lacagta shukaansiga
Maa khasabaa inuu bixiyo wiilku lacagta shukaansiga

Wiilkashu masuuliyad iskama saaraan xidhiidhka, markay dumarku bixinayaan kharaska haasaawaha. Sidaas awgeed. gabadhu waa iney ku khasabtaa ninka, inuu asaga kaligii bixiyo lacagta shukaansiga. taas waxay keenaysaa inuu isku-diyaariyo oo uu qaado masuuliyada xidhiidhka idinka dhaxeeyo.

Teeda kale hadayna gabadhu ka qayb-qaadanin qarashka shukaansiga. qaabab kale ayaa jira oo ay uga qayb-qaadan karto. sida iney u keento hadyad iyo iney u gado dhar ay jeceshahay inuu ku-labisto. taas badalkeeda, haduu bixiyo lacagta cashada waxay bixin kartaa gabadhu, kharashka macmacaanka.

Markasta gabadhu waxay heli kartaa, qaab ay uga qayb-qaadato qarashka haasaawaha. ayadoo ninka u ogolaanayso, inuu hogaamiya xidhiidhkooda oo uu qaado masuuliyada haasaawaha.

3- Ninka faqiirkaa ayaa diida inuu bixiyo kharashka haasaawaha

Markaan faqiir leenahay, kama wadno midkaan lahayn dhaqaalaha. ee waa midka aan lahayn isku-dayga, ee aan shaqaysanin. noolashana ka-lahayn hadaf uu rabo inuu gaadho.

Badanaa ninku markuu yahay mid cajis badan oo anaani ah. wuxuu noqdaa mid bakhayl ah oo dhibaato ku qabo bixinta lacagta haasaawaha.

Cilmi-baadhis la-sameeyay ayaa lagu sheegay. in nimanka diida iney bixiyaan kharashka shukaansiga, ama iney qaadaan masuuliyada xidhiidhkooda. iney yihiin kuwo cajis badan oo hadaf ka-lahayn noolashooda (yacni waa nin iska-nool). waxaa kale oo lagu gartaa waa nimanka noocan ah, waa kuwo anaani ah oo guuldaraystay.

Caqabaduna maaha xaalada ay ku jiraan. ee waa waxa ay aaminsan yihiin iyo hab-dhaqankooda.

Teeda kale wiilku haduuna awoodin inuu bixiyo kharashka shukaansiga. sideebuu u awoodi doonaa inuu bixiyo qarashka iyo lacagta qoyskiisa mustaqbalka?. taas badalkeeda WIILOW. intaad wax shukaansan lahayd, waxaa kaaga wanaagsan inaad xoogaa saarto dhisida dhaqaalahaada. kadibna waxaad samayn kartaa xidhiidh jacayl oo caafimaad qaba.

Gabo-gabo

Ugu danbaynti. waxaa jirta muhiimad wayn oo ay leedahahy, inuu ninku bixiyo kharashka haasaawaha. Waayo raggu waxay u baahan yihiin iney dareemaan masuuliyad iyo xoogaa cadaadis ah. si uu u noolashiisa hormariyo oo uu u gaadho heer sare.

Sidoo kale dhaqaalaha oo kaliya muhiim umaaha xidhiidhka jacaylka ee wanaagsan. waxaa kale oo muhiim ah inuu jiro is-fahan iyo hab-dhaqan wanaagsan.

Waxaad xidhiidh la-samayn kartaa. wiil dhaqaala ahaan wanaagsan laakin dhinaca maskaxda iyo hab-dhaqanka sabool ka ah. taas badalkeeda waxaad xidhiidh la-samayn kartaa wiil caydh ah. oo dhinaca hab-dhaqanka iyo fahanka qoyska taajir ka ah oo caaqil ah.

Hadaad tahay qof nasiib badan, waxaad heli wiil labada dhinacba hodan ka-ah.

Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.

Dhammaad.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *