Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel | better

Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel
Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel
Waxaa hubaal ah. In arrimaha ku saabsan jacaylka ay yihiin waxyaabaha ugu badan. ee ay falanqeeyaan dahlinyarada soomaalida.

Laakin xog badan kama hayaan, oo way khalad fahmeen, sida loo ogaado qofka sida hoose kuu jecel.

Cilmi-baadhista iyo baadhitaanada sii kordhaya wakhtiyadan danbe ee cilmi-nafsigu. waxay si sahlan u sharraxaan. Fahanka Jacaylka iyo xaaladaha ku xeeran. Waxaana jira astaamo badan oo aad ku dareemi karto qofka sida hoose kuu jecel.

Hadaba waa maxay astaamaha lagu ogaado. qofka sida hoose kuu jecel, laakin aan kuu sheegin.

1- Si qoto-dheer ayuu kuu eegaa

Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel.
Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel

Hadii qofku kuu eego si aan dabiici ahayn markaad wada-joogtaan. oo inta badanna kuga haya indhaha. Indhihiinu markay isku-dhacaanna meel kale ayuu eegaa. Ogow qofkaas inuu yahay mid dareen hoose kuu haya.

Astaamahan waxay u baahan yihiin ka fiirs dheer. Hal-mar ama laba-jeer oo qof ku soo eega, kama dhigna inuu ku jecel yahay. Laakin waa iney soo noq-noqtaa xaaladan marar badan oo kala duwan.

2- Jidkiisa u fiirso

Qofka aad uga shakisan tahay inuu kuu hayo dareen jacayl. waxaad u fiirsataa astaamaha uu muujinayo jidhkiisa. Waxaad arki doontaa in jidhkiisa markasta dhankaada u soo wada-jeedsado. Gaar ahaan wajigiisa iyo lugihiisa. Waxaana dhif iyo naadir ah ama aan dhici Karin inuu qofku kula hadlo. asagoo jidhkiisa u-jeeda dhinaca kale.

Culimada cilmiga-nafsiga waxay ku sababeeyeen arrinkan, in qolbiga qofka u soo-jeedsanayo dhankaada. Taasna waxay keenaysaa in asagoon is-ogeyn qofka, u soo wada-jeediyo jidhkiisa dhankaada.

3- Aad ayuu uga soo muuqdaa noolashaada

Waxaad markasta arkaysaa, asagoo jooga goobaha aad joogto. Wuxuu qorallo kala duwan kaaga soo diraa baraha bulshada. Wuxuu badanaa ka falcelinayaa postida aad soo dhigto baraha bulshada. Wuxuu markasta jecel yahay inuu ku siiyo waxaad u baahato, xataa hadii uuna awoodin.

4- Wuu kugu raacayaa waxkasta

Qofka markuu dareen hoose kuu hayo. waxaa ku adkaata inuu fikirka aad soo-jeediso kugu khilaafo. Wuxuu isku-dayayaa inuu ku tuso, inaad isku-fahmi kartaan waxkasta.

Hadii shay gaar ah aad jeclaato oo aad u sheegto inaad ka hesho shaygaas. Wuxuu billaabayaa inuu shaygaas kuu amaano, xataa haduu neceb yahay.

Hadaad rabto inaad si dhab ah. aad ugu tijaabiso qodobkan qofka aad u malaynayso inuu kuu jecel yahay si hooose. Tusaale ahaan waxaad u sheegi kartaa koox kubadeed oo aad taageerto. Waxaad arkaysaa asagoo amaanaya kooxdaas.

Inta badan arrinkan waxaa keena. in markaan qofka isku-cusubnahay badankeena, aan soo bandhigno inteena fiican. Anagoo muujinaya inaan qofkan wadaagno waxyaabo badan.

5- Hamaansiga

Calaamad kale oo cajiib ah oo uu daah-qaaday cilmiga-nafsiga. oo dadka badankooda ayna ogeyn ayaa ah. Hadii aad meel wada-joogtaan qof si hoose kuu jecel, oo aad hamaasato. waxaa dhacaysaa inuu qofkaas hamaansado. Hadii uu ku soo eegayay adigoon ogeyn markaas.

Qodobkan waa mid xoog badan, oo ku diwaan-gashan buugaagta cilmiga-nafsiga ka hadla.

6- Adiga ayuu ku soo eegaa markuu qoslayo

Maanta kadib ogow qofka sida hoose kuu jecel

Hadii koox dad ah aad meel wada-joogtaan, kadibna aad sheeko gaar ah ku wada-qososhaan. Waxaad arkaysaa in qofka sida hoose kuu jecel si ogaal la’aan ah kuu soo eegayo.

Daraasada waxaa lagu sheegay. markaan qoslayno inaanu si gaara u eegno. Qofka aan ka helno ama aan u ogolnahay nafsad ahaan.

Gaba-gabo

Calaamadahan waxay ahaayeen kuwo kaa caawinaya inaad ogaato qofka kuu jecel sida hoose laakin aan kuu sheegan karin.

Sidoo kale go’aan kuma qaadan kartid calaamadahan. haii ay dhacaan hal mar ama laba jeer. Si fiican uga fiirso iney soo noqnoqdeen iyo in-kale.

Asxaabtada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *