Wiil-kasta wuxuu leeyahay dookhiisa gaarka ah. laakin raggu badankooda waxay xiiseeyaan, iney shukaansadaan naagaha ka gaaban iyaga joog ahaan.
Cilmi-baadhis la-sameeyay 2015-ki ayaa lagu sheegay. in nimanku jecel yihiin naagaha gaa-gaaban, aadna u soo-jiitaan. maqaalkeena maanta ayaan kugula wadaagayaa, sababaha ay u daneeyaan nimanku naagaha gaa-gaaban.
Hadaba waa kuwan waxyaabaha keenay, in wiilashu daneeyaan naagaha gaa-gaaban.
1- Inuu ninku gaaban yahay
Mid kamida sababaha ay u door bidaan wiilashu. iney shukaansadaan naag ka gaaban ayaga ayaa ah, inuu yahay isagu mid gaaban joog ahaan. Wuxuuna ninku jecel yahay inuu u muuqdo. inuu ka dheeraado gabadha uu xidhiidhka la-wadaago.
Teeda kale, raggu aad ayey uga cabsadaan, iney shukaansadaan naag ka dheer. haweenkuna ma daneeyaan, iney la-sheekaystaan nin ay ka dheer yihiin joog ahaan. waxayna u aragtaa inuu yahay nin aan ilaalin Karin oo daciif ah. masuulida qoyskiisana aan qaadi Karin. Naagta dheer kumana dareento qanaaco iyo xasilooni ninka gaaban.
Waxaa dheer intaas, haduu ninku gaaban yahay xataa. wuxuu u muuqan doonaa nin dheer. markuu la-socdo ama la-joogo gacalisadiisa oo ka gaaban. waxaana lagu sheegay cilmi-baadhista, inuu dareemo ninku farxad. markuu u muuqdo, mid ka dheer gabadha uu la-socdo.
2- Inuu muujiyo awoodiisa iyo raganimadiisa

Sababaha kale ee ay nimanku u shukaansadaan naagaha gaaban ayaa ah. inuu rabo inuu muujiyo raganimadiisa. Sababtoo ah waxaa lagu sheegay cilmi-baadhista, in haweenka dhaadheer ay yihiin inta badan. kuwo isku kalsoon, xor ah, oo isku-filan xagga noolasha. sidaas awgeed, nimanku waxay rabaan, in loo muujiyo in loo baahan yahay ayaga.
Maadaama gabadha ka dheer asaga aysan u muujinaynin iney u baahan tahay. mida gaaban ayuu doorbidaa. si uu ugu muujiyo midda gaaban, inuu ka dheer yahay, ka awood badan yahay, xaga jidhka iyo dhaqaalahaba. si uu u dareensiiyo gabadha inuu yahay nin awooda, inuu difaaco ama ilaaliyo ayada. Maadaama uu jidh ahaan ka wayn yahay, muuqaal ahaanna uu ka dheer yahay.
Ujeedada kale ee ragu u jecel yihiin naagaha gaaban ayaa ah, iney u sahlan tahay ninka. haduu doonayo inuu xaaskiisa dhuunkado ama xambaaro.
3- Hooyo fiican
Nimanku waxay aaminsan yihiin. in gabdhaha gaa-gaaban aad uga wanaagsan yihiin kuwa dhaadheer, dhinaca guriga. iyo caruurta daryeelkooda iyo ilaalintooda. naagaha gaaban waa kuwo aad u ixtiraamo raggooda, inta badanna qoyskooda ma burburo.
Waxaa kale oo ay aaminsan yihiin nimanku. in naagaha dhaa-dheer ay yhiin kuwo muran badan, kibir badan. maadaama ay isku arkaan iney yihiin, naago qurux badan oo soo-jiidasho leh.
Raggu waxay xiiseeyaan in qofka lamaanahooda ah ay ka helaan. ammaan, xannaano, daganaasho iyo ixtiraam. waana wax ay ku fiican tahay naagta gaaban.
4- Kaftanka iyo Fur-furnaata

Inkastoo cilmi-baadhista lagu sheegay, in naagaha dhaa-dheer ka caqli badan yihiin dumarka gaa-gaaban. hadana nimanka badankood waxay aad u jecel yihiin oo ay aaminsan yihiin. in dumarka gaa-gaaban ay yihiin, naago furfuran oo kaftan badan. ag-joogoodana laga helo, jawi dagan iyo farxad.
Gaba-gabo
Nimanku way ku kala duwan yihiin dhinaca xulashada haweenka. laakin sida badan raggu, waxay xiiseeyaan oo ay aad jecel yihiin. iney la-sheekaystaan gabadha ka gaaban joog ahaan. halka haweenku aad u xiiseeyaan, nimanka dhaa-dheer. sababta ay u doortaan ninka dheer waa inuu dareemayo qanaaco. kalsooni iyo inuu dareemo inuu ka awood badan yahay gabadhiisa.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad
1 Comment