Ragga inta badan fiiriya dumarka, marka la-joogo goobaha dadwaynaha ama wadada la-marayo. badanaa waa kuwa jecel dumarka buuran.
Maaha wax cusub inay jiraan rag jecel ama ay soo-jiitaan dumarka buuran. waxaana jira arrimo gooni u ah dumarka buuran, kuwaas oo ay xiiseeyaan ragga qaarkood.
waayo badan haweenka dhuuban ayaaa ahaa, kuwa aadka loo jecel yahay. xagga tv-yada, filimaanta iyo shukaansigaba. sidaas oo ay tahay, raggu ma-wada xiiseeyaan dumarka caatada ah. waxaana jira rag badan oo aad u xiiseeya iney la haasaawaan dumarka buuran.
Waa kuwan sababaha ay raggu u jecel yihiin dumarka buuran.
1- Guurka gabadha buuran wuxuu kuu damaanad qaadayaa farxad
Cilmi-baadhis la-sameeyay dhawaan, ayaa lagu sheegay. in inta badan naagaha dhuuban guurkooda, uu ku badan yahay. furriin iyo khilaaf, taasna waxay sababtay. in raggu doortaan ama door-bidaan, iney guursadaan dumarka buuran.
Badanaa gabadha buuran murankeeda iyo khilaafkeeda ma badna. waxayna ku haboon tahay, hooyanimo iyo iney daryeesho ubadkeeda. sidoo kale waxay u roon tahay nafteeda, waana mid maqasha oo raaliyo u ah ninkeeda.
daraasada waxaa lagu sheegay. iney sahlan tahay in lala dhaqmo, ama lala macaamilo gabdha buuran. sidoo kale waa qof nadaafad badan, garaad badan, oo isku kalsoon. sidoo kale gabadha buuran, way ka caafimaad fiican tahay midda caatada ah. waayo jidhkeeda wuxuu awoodaa inuu iska difaaco, cuduro iyo xanuuno badan.
Waxaa dhacda in nimanku, la-sheekaystaan ama shukaansadaan gabadha caatada ah. laakin marka ay noqoto in la yagleelo qoys. nimanku aad ayey uga fikiraan qofka ay noolasha la-qaybsanayaan. waana waxyaabaha keenaya iney ragga badankooda doortaan, gabadha buuran. waayo murankeeda ma badna sida kuwa caatada ah. waana gabadh u roon qoyskeeda iyo nafteeda. sidoo kale ma cabasho badna oo way Samir badan yihiin naagaha buuran.
2- Jidh leh laa-laabatooyin
dumarka buuran jidhkooda, waxay leeyihiin laa-laabatooyin, sida cabaadhyaha i.w.m. kuwaas oo dareenka ragga aad u saameeya.
Teeda kale nimanku aad ayey u jecel yihiin haweenka qaarka danbe u wayn. waana sababta waayahan danbe gabdhuhu ugu dadaalaan, iney waynaato qaarkooda danbe. Sidoo kale gabadha buuran, way kaga quruxsan tahay xagga xarragada iyo dharka. mida caatada ah. sidoo kale waxay ku wanaagsan tahay gogosha.
Raggu waxay dhahaan hilibka ayaa ka fiican lafaha.
3- Fur-furnaanta

Cilmi-baadhistan waxaa lau sheegay. in gabadha buuran ka fur-furan tahay, kana kaftan iyo ciyaar badan tahay, mida dhuuban. waayo haweenka buuran, inta badan jidhkooda way ku qanacsan yihiin. maadaama ragga aad u soo-jiitaan una xiiseeyaan.
daraasad lagu sameeyay labo kooxood oo rag ah. ayaa la-su’aalay iney kala doortaan, koox dumar ah, oo ka kooban, kuwo dhuuban iyo kuwo buuran.
Waxayna nimanki badankooda doorteen, naagihi buuranaa. ayagoo sheegay iney ku wacan yihiin hooyanimada, kana soo-jiidasho badan yihiin kuwa dhuuban.
4- Cunto cunista
Nimanku waxay aad u xiiseeyaan cunto cunka. Waxaana lagu sheegay daraasadan. in haweenka buuran ay yihiin, kuwo cunta karintooda iyo cunto cunkood wanaagsan yihiin. sidaas awgeed raggu gaajo kuma dareemaan haweenka buuran agtooda. waana mid kamida sababaha ay ku doortaan dumarkaa noocan ah.
Gaba-gabo
Buurnida ama cayilka quruxda badan ee aan ka hadlayno. maaha dadka miisaankooda uu dhaafay 100kg. culayska noocan ah waa cudur iyo xanuun, ee cayilka aan ka hadlayno waa midka dabiiciga ah.
Sidoo kale cilmi-baadhistan waxay muujinaysaa, in cabbirka jidhka ee gabadha uu ka qayb-qaato. soo-jiidashada ragga, waana wax lagu kala duwan yahay adduunka. xagga cabbirka jidhka ee dumarka.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad
1 Comment