Jacaylku wuxuu kugu kallifayaa mararka qaar, waxyaabo lama-filaan ah oo la-yaab ku noqon kara bulshada kugu xeeran, sidoo kale waa dareen hadii aad dhacdo waan qeexayaa, aadan sahrraxaad sax ah ka-bixin Karin.

Hadaba maxaa keenaya in ninku halmar uu ka-tago gabadha uu jecel yahay ama waa maxay sababaha ninku unaco gabadhiisa, ayadoo laga yaabo in markii horaba lamaanuhu, ay la-kulmaan caqabado badan, iyo iney galiyaan dadaal badan xidhiidhkooda jacaylka.
Teeda kale maad og-tahaya, in gabadha si fudud u gali karo jacaylka, halka ay adag-tahay inuu ninku jacayl dhab ah u qaado gabadha.
Dabcan waad qiyaasi kartaa sababaha keenaya, inuu ninku ka-tanaasulo xidhiidhkiisa, in-ayna ahayn wax fudud.
Waa kuwan 4 arrimood oo uu ninku ku nici karo gabadhi uu jeclaa muddado badan.
1- Xukunka badan
Marka la-dhisayo qoys cusub, waxaa soo baxa dabeecado iyo hab-dhaqano aan horey loo sii ogeyn, loona arki jirin inta badan, waxaana dhici karta in gabadha ay ku qanci waydo dhaqamada ninka, kadibna ay isku-daydo sidii ay uga badali lahayd, taas oo sababi karta in lays-fahmi waayo oo uu dhaco khilaaf u dhaxeeya lamaanaha, waxaana lagayaabaa khilaafkaas dartiis in loo kala fogaado, waana macquul inuu burburo xidhiidhkaas marka ugu danbaysa.
Culimada ku xeel-dheer arrimaha xidhiidhada, waxay sheegaan in gabadhu ay gasho guurka, ayada oo filaysa is-badal, halka ninku uu aaminsan yahay, in uuna waxba iska badali doonin.
Xilliyada qaar, nimanku waxay la-kulmaan culaysyo shaqsiyadee, iyo kuwo dhaqaale oo sababa iney noolashooda maareyn waayaan, halka qaar kalana ay billaabaan balwadaha xun-xun, ama waxyaabo kale oo ka mashquulin kara xaalada qoyskooda.
Xalka ugu fiican ee wakhtigaas ninku u baahan yahay, waa in lamaanihiisa ama xaaskiisa ay garab is-taagto, ayada oo siinaysa talooyinka uu rabo, ama waa iney kula hadashaa hadallo wanaagsan, waxaana fiican iney si dhaw ula socoto gabadhu xaalkiisa, iyo waxyaabaha kale ee ay awoodo.
Haweenka qaar ayaa isku-daya iney saxaan ninka, ayaga oo u soo maraya wadada khasabka ah, iyo amar joogto ah, taas oo keeni karta ugu danbaynta, in uu ninku ka tagao gabadha uu jecel yahay, maadaama uuna xamili Karin ama uuna u dul-qaadanin Karin cadaadiska ay saarayso.
2- Cabsida uu ka qabo guusha gabadha

Cilmi-baadhis ay samaysa jaamacada florida, ayaa lagu sheegay inuu dareemo ninku culays badan iyo dhabar-jab, marka ay xaaskiisu gaadho guul, xattaa hadii labadooda uuna tartan toos ah ka-dhaxaynin
Guusha gabadhu ay gaadho, waxay si khaldan u saamaysaa qaabka uu ninku uga fikirayo mustaqbalkooda, hadaba hadii ninku uu gaadhi waayo guulihi uu rajaynayay, waxaa macquul ah in xidhiidhkooda uu wiiqmo gabi-ahaanba, asaga oo ku dhaqaaqayo go’aan ah, in gabadhi uu jeclaa uu ka-tago.
Arrintanna waxay dhici kartaa, marka ay yihiin qoys dhisan iyo marka uu ka dhaxeeyo xidhiidh jacayl.
3- Dhibka badan iyo abaal la’aanta
Ragga dulqaadkooda wuu badan yahay mararka-qaar, laakin markay gabadhiisa ku soo celceliso waxyaabaha uu dhibsanayo, waxay keeni kartaa in xidhiidhkooda uu burburo
Nimanku waxay jecel yihiin in dadaalka ay samaynayaan looga mahad-celiyo iyo habka uu u maaraynayo arrimaha qoyskiisa, laakin hadii uu arko in cabashada ay lahayn dhammaad, wuxuu go’aansan karaa in gabadha uu jecel yahay uu ka tago, maadaama uuna ka helin dareen daganaansho iyo xassiloonidi uu rabay inuu agteeda ka helo.
4- Is barbar-dhiga

Gabadhey waligaa jacaylkaada ama ninkaada, ha barbar-dhigin nimanka iyo dadka kale, waa hadii aad rabto inuuna kaa fogaanin, waayo raggu ma-jecla in la barbar-dhigo nin kale oo faciis ah.
Mid kamid ah waxyaabaha ay raggu aadka u neceb yihiin waxaa kamid ah, in la-dareensiiyo iney ka hooseeyaan ragga qayrkood ah, hadii ay taasi dhacdana, waxaa hubaal ah in ay meesha ka bixi doonto, danaynta iyo jacaylka uu gacalisadiisa u hayo.
Gaba-gabo
100% dadku ismu mid maaha, ragu way kala duwan yihiin, xaga dabeecada, fahanka iyo wax qabadka, waana macquul iney jiraan rag u adkaysan kara, dhammaan waxyaabaha aan kor ku soo xusnay.
Laakin waxaa wanaagsan in qofka lamaanahaada ah uuna ku dhibsanin, ama inaadan ku khasbin inuu kaa fogaado oo kuu ku naco, dhammaan qodobadan aan soo sheegnay waa kuwo ninka ku dhiirigalinaya, inuu xaaskiisa ama gacalisadiisa xidhiidhka u jaro, adigana gabadhey waa inaad ka digtoonaataa qodobadan, waa hadii aad jeceshahay xaajigaada ama wiilka aad sheekaysataan.
Ugu danbaynti, qodobadan iyo kuwo kale oo aan ku xusnayn qoraalkeena, waxaa lagu sheegay daraasad lagu sameeyay xidhiidhada jacaylka iyo midka qoska.
Dhammaad
1 Comment