Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa | better

Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa
Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa

Dabcan ma-sahlana inaad ahaato nin dagan. oo isku-kalsoon oo xakamayn kara dareenkiisa, markaad gabadh jeclaato.

Markaad rabto inaad xiise ku abuurto naag ama gabadh aad jeceshahay. waa hawl shaqo iyo dadaal u baahan, laakin waxaa kasii hawl-badan. in xiisihi aad ku beertay gabadha uu noqdo mid joogta ah oo dhamaanaynin.

Qodobada aan kula wadaagi doono hadaad raacdo. waxaan kuu rajaynayaa in naagta aad jeceshahay aad kuu xiisayn doonto marwalba i.a.

Laakin marka hore, inta aan kula wadaagin sida dumarka xiise joogta ah loogu abuuro. aan kula wadaago noocyada wiilasha ee ay haweenku xiiseeyaan.

Waa kuwan sifooyinka uu leeyahay wiilka haweenku aadka u xiiseeyaan.

1- Gabadhu waxay rabtaa wiilka fiican

Ninka jilicsan, daciifka ah, ama khaa’inka ah maaha nooca ninka ay gabadhu xiisayso. waxay ka heshaa midka fiican ee aan ahayn maskiinka.

wiilka wanaagsan waa midka edebta-badan leh, go’aanka leh. naxariista badan oo leh awood raganimo.

Gabdhuhu ma raadiyaan nin dhamaystiran, kaasoo siinaya ayada waxalba oo ay uga baahato. Laakin gabdhuhu waxay ixtiraamaan oo ay aad u raadiyaan, nimanka leh aadaabta. waana waxyaabaha haweenka xiisaha iyo damaca badan ku abuura.

2- Wiilka jacaylkiisa u muujiya
Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa.
Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa.

Badanaa nimanku waxay muujiyaan oo ay gabadha u soo bandhigaan. waxyaabaha iyo shaqada ay qabtaan. halka ay xooga saari lahaayeen iney soo-jiitaan gabadha dareenkeeda.

Waa xaqiiqo iney dareenka gabadha saamaynayso, hawlahaad qabato iyo sidaad u qabato. Laakin wax kugu filan maaha, si-aad gabadha ugu abuurto dareen jacayl.

Gabdhaha waxaa saameeya dareenkooda, oo soo-jiita sidey kuu aragto markay kula joogto. waxay dareemayso iyo sidey u aragto nafteeda markaad joogto agteeda.

Inaad gabadha u muujiso jacaylka iyo dareenka aad u hayso. waxay gabadha ku dhalisaa dareen jacayl oo cajiib ah. kaasoo keenaya iney xiisayso ag-joogaada markasta.

3- Inaad xidhiidhkiina hogaamiso

Haweenku ma-jecla iney la-xukumo ama la-maamulo. waana waxyaabaha keena inuu noqdo xidhiidhku midaan wakhti badan waarin. sidoo kale ma-jecla haweenku, ninka aan waxba hogaamin Karin.

Hogaamintu waxay keentaa in dareenkaada aad ka adkaato. iyo inaad saarto xoogga inaad si caqli-gal ah oo cad, oo macquula aad qiimayso waxkasta.

Macnaha inaad xidhiidhkiina Hogaamiso, waa inaad u yeesho qorshe iyo hadaf. sida iney jirto wakhti aad ku ballanteen iaad midawdaan oo aad is-guursataan. waa iney kuu cadahay ujeedada xidhiidhkiina iyo noocuu noqonayo mustaqbalkiina.

4- Wiilka siiya mudnaanta gaara ah

Gabdhuhu aad ayey u jecel yiihiin, markuu ninku siiyo mudnaanta koowaad. markaad tusto gabadha iney qiimo sare agtaada ka-leedahay. waxay dareentaa xiiso badan iyo iney si-dhab ah kuu jeclaato.

Waxaa wanaagsan wiilku inuu gabadha mudnaan gaar ah siiyo. laakin kaligeed maaha mudnaanta wuxuu siinaya. sidoo kale ehelkiisa iyo naftiisa waa inuu siiyaa.

Tallaabooyinka dumarka loogu abuuro xiisaha badan

1- Tus gabadha xiiso dhab-ah
Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa.
Sidee gabadh xiise joogta ah loogu abuuraa.

Dumarku waxay rabaan iney dareemaan in la-jecel yahay. ninku waa inuu gabadha dareensiiyo jacayl, taas macna maaha inaad amaanto. ee waxay doonaysaa inaad noqoto qof u dhaw, oo fahmaya xaaladaheeda noolasha. waana inaad ku qanacsanaantaa jidhkeeda.

Niman badan ayaa mooda habka ugu fiican ee gabadh xiiso joogta ah loogu abuuro. iney tahay inaad xiiso badan tusto.

Mararka qaar waa sax inaad tusto gabadha xiiso badan. laakin hadaad rabto iney ku xiisayso, waa inaad noqotaa qof fahmaya oo u dhaw. halkaad tusi lahayd inaad in badan xiisayso ayada.

2- Dareenkeeda jacaylka la-ciyaar

Xilliga xidhiidhka-jacaylka aad ku jirto, waxaa muhiima inaad noqoto qof xasilloon oo isku-kalsoon. markay gabadhu gaabiso ama xiisihi xidhiidhkiina uu yaraado. xaaladan oo kale nimanka qaar kamida, ayaa u dhaqma hab aan xiiso lahayn.

Wuxuu billaabaa inuu dareenkiisa xakamayn waayo. kadibna wuxuu gabadhi ku wareeriyaa farriimo iyo wicitaan badan. waana arrin keeni karta inuu xumaado ama uu burburo xidhiidhkiina jacaylka.

Waana sababta ay muhiimka u tahay. inaad fahmi karto sida loola ciyaaro dareenka jacaylka ee dumarka.

Markay gabadhu kuu xiisto, tus xiiso badan, naxariis iyo jacayl. markay gaabisana sii fursad iyo wakhti ay ku fikirto. adigoon daba-cararaynin oo muujinaynin dareen-jacayl marwalba.

Markaad qofka u jeclaato qaab uu xorriyad dareemayo. badanka wuxuu dooran doonaa qofkaas inuu kula-sii joogo. sidaas awgeed, hadaad rabto iney ku xiisayso gabadha, iney ku doorato u ogolow. kadibna u muuji ixtiraam, jacayl iyo naxariis markay mudan tahay oo kaliya.

Gaba-gabo

Hadaad rabto xidhiidhkaada inuu noqdo mid wakhti-dheer waara. gabadhaada u samee waxaad u samayn-jirtay marki ugu horreysay ee aad is-barateen. waana habka ugu fiican ee dumarka loogu abuuro xiiso joogto ah.

Teeda kale marnaba been haka sheegin naftaada, hana iska-dhigin qof aadan ahayn. si-aad gabadhaada xiiso badan ugu abuurto.

Dabcan waxaa laga yaabaa ineyna jeclaanin gabadha, dhammaan waxaad jeceshahay oo dhan. ama ineyna kugu waafaqin waxaad dhahdo. laakin way ku xushmayn markaad tahay qofaan ka-been sheegaynin naftiisa. waxaadna ogaataa inayna kuu jeclaanaynin gabadhu si-dhab ah, hadii ayna ku qadarinaynin.

Axaabtaada la-wadaag, mahadsanid.

Dhammaad.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *