Waxaa laga yaabaa inaad tahay nin dumarka xiiseeya, laakin da’diisu ay wayn-tahay. Oo aan garanaynin sida hablaha yar-yar loo shukaansado.
Ugu horreyn, inaad hablaha yar-yar shukaansato, maaha wax xaaraam ah ama ceeb ah. Laakin waxaa haboon inaad taqaano sida loo shukaansado gabdhaha yar-yar. Waxaana lagu maah-maahaa da’du waa tiro oo kaliya.
Gabdhaha yar-yar waxay aad u soo-jiitaan raga waawayn. Laakin waxaa laga yaabaa inaad rumaysan tahay inaadan shukaansan Karin gabdhaha yar-yar. Maadaama oo uu idin dhaxeeyo farqi wayn oo xagga da’da ah. Waana fikrad aan sax ahayn. Sababtoo ah waxaa cilmi-baadhista lagu sheegay. in gabdhaha yar-yar ay aad u xiiseeyaan mararka qaar ragga ka wayn cimri ahaan. Waayo waa kuwo qaadi kara masuuliyada qoyskooda.

Hadaba hadii aad tahay nin wayn oo raba, inuu gabadhaha yar la-haasaawo. Waxaa jira tallaabooyin aad raaci karto. oo aad jacayl ugu abuurti karto hablaha yar-yar.
Waa kuwan 5 tallaabo oo muhiima inaad ogaato. Markaad rabto inaad shukaansato gabadh kaa yar.
1- Qof bisil noqo
Dumarka yar-yar waxaa soo-jiita oo ay jecel yihiin, ninka bisl ee qan-gaadhka ah. Waana sababta gabdhuhu u shukaansadaa inta badan. ragga ka-wayn cimri ahaan, oo ayna u xiisaynin wiilasha ay isku-faca yihiin. Sababtoo ah waxay u arkaan wiilasha yar-yar, ineyna ahayn rag bisil oo daacad ah.
Hablaha yar-yar, waxay rumaysan yihiin. In ninka ka-wayn uu leeyahay waayo-aragnimo xagga noolasha ah, iyo garaad qan-gaadh ah.
Hadaba waxaa muhiim ah inaad noqoto qof waafaqsan cimrigiisa. Tus gabadha yar inaad tahay nin yaqaanna wuxuu samaynayo. Wayna xiiseeyaan gabdhuhu ninka dantiisa ugu sheegta sida tooska ah ee aan la-gabanin. Qadarinna u muujiya. markastana waa inaad ka taxadartaa, inaad ula dhaqanto sida ilma yar oo kale. Maadaama ay kaa yar tahay da’ ahaan.
Sidaas darteed waa inaad ka fogaataa markasta, khaladaadka ay galaan wiilasha yar-yar. Sidoo kale ka ilaali inaad amarto ama aad xukunto si xad-dhaaf ah.
2- Wakhti fiican iyo xamaasad sii
Isku-day inaad u kaxayso meelaha laga helo cuntooyinka wanaagsan iyo inaad ka farxiso. U samee waxyaabo madadaalo ah, oo noqo qof furfuran oo iyada u dhaga-nugul. Sida qof saxiibkeed oo kale ah ula kaftan. Sababtoo ah dumarka yar-yar, aad ayey u xiiseeyaan in la kool-kooliyo.
Marnaba ha dareensiinin inaad ka-wayn tahay, xorna uga xidh noolasheeda. Maaha inuu noqdo shukaansigiina, midaan lahayn xiiso iyo xamaasad gaar ah.
3- Inaad iibsato ha isku-dayin

Nimanka qaar kamida waxay sameeyaan, iney dhaqaalahooda muujiyaan. Ayagoo raba iney gabadha yar ku kasbadaan lacagtooda. Iska ilaali khaladkaas, ha samaynin marnaba.
Arrintan waxay gabadha yar, ku dhalin kartaa. walwal iyo iney moodo inaad samaynayso khayaano. Adigoo raba inaad ka faa’idaysato maadaama ay tahay gabadh kaa yar.
Waxaad ogaataa, inaad lacag ku iibsato jacaylka gabadha yar. waxaa ka xoog badan inaad farxad siiso. Wakhti wanaagsanna aad la-qaadato.
Markaad tahay nin-wayn waxaa wanaagsan. inaad noqoto mid aammin ah dhaqaale ahaan. laakin inaad gabadha yar ku maaweeliso lacag. waxay keeni kartaa dareen xun. Muhiimadu waa inaad si-caqli ah u isticmaashaa lacagtaada.
Gabdhaha yar-yar. si guud ragga waawayn aad ayey ugu kalsooni yihiin, marka loo eego wiilasha facooda ah.
4- inaad hogaamiso haka baqin
Ragga qaarkood waxay sameeyaan. waxyaabo sharaftooda iyo shaqsiyadooda hoos u dhigaya. si ay gabadha yar ay shukaansanayaan u kasbadaan, laakin dhaqan wanaagsan maaha.
Gabdhaha yar-yar waxaa aad u soo-jiita ragga muujiya raganimadooda, leh kalsoonida dheeraadka ah. Gabadhana u sameeya waxyaabo xiiso badan leh. Sidaas darteed, marnaba ayada darteed, ha u badalin shaqsiyadaada. Hadaad rabto iney ku xiisayso gabadha, adiga hogaami oo muuji raganimadaada.
5- Billow
Haka baqin inaad shukaansato, hadii aad hesho gabadh kaa da’yar. Wayna xiiseeyaan dumarka da’da yar, iney xidhiidh jacayl la-sameeyaan ragga ka waawayn. Waayo waxay yaqaanaan sida loo hogaamiyo gabdhaha yar-yar.
Gaba-gabo
Inaad shukaansato gabadh kaa yar. aad ayey uga duwan ahay shukaansiga gabadha aad isku faca tihiin. Sababtoo ah markaad qofka isku-cimri tihiin, waxaa badan inaad is-fahantaa. Sidaas darteed waa muhiim inaad raacdo, tallaabooyinka aan kor ku soo xusnay. Hadii aad rabto inaad dareen jacayl oo dhab ah, aad la-wadaagto gabadha yar.
Waxaa daraasada sidoo kale lagu sheegay. in gabdhaha yar-yar ay ka helaan farxad iyo ammaan. ninka ka wayn cimri ahaan, hadaba haka baqin marnaba. inaad muujiso dareenkaada jacaylka, hadii uu yahay mid dhab ah.
Asxaabtada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad
1 Comment