Sifooyinka lagu doorto ninka wanaagsan | important for you

Sifooyinka lagu doorto ninka wanaagsan
Sifooyinka lagu doorto ninka wanaagsan
Hadii aad rabto inaad noolasha la-qaybsato gabadhey, qof kuula-dhaqma ixtiraamka aad mudan tahay, waxaa khasab ah inaad garanayso, astaamaha ama calaamadaha aad ku dooran lahayd qofkaas ama ninka wanaagsan.
Sifooyinka lagu doorto ninka wanaagsan

Xulashad lamaanahaada, waa hawl u baahdan dadaal, waxayna dumarka soomaalida ku wareereen nooca uu noqon lahaa, ninka ay noolasha la-wadaagi lahaayeen, iyo sifooyinka lagu xulan karo

Inaad qorto astaamaha aad ku xulan-lahayd ninka aad guursanayso mustaqbalka, waa wax fudud, laakin dadka badankooda way fududaystaan arrintan.

Hadaba waxaan maqaalkeena kugula wadaagayaa, wax-walba oo aad ku xulan-lahayd ninka aad mustaqbalka la-wadaagayso.

Qoraalkan wuxuu ku anfacayaa, hadii ujeedadaadu ay-tahay inaad hesho noolal wacan oo jacayl ku-dhisan, qadarin iyo naxariis leh, hadaba waa inaad ogaataa astaamaha wanaagsan aad ku xulan-lahayd ninka, kadibna aad ku qiimaysaa wiilka uu xidhiidhka kaala-dhaxeeya.

Waa kuwan sifooyinka lagu xusho ninka wanaagsan

1- Daacadnimada

Qof-kasta wuu garanayaa muuhimada ay u leedahay daacadnimada, xidhiidhka lamaanaha, waana mid kamid ah shuruudaha ugu muhiimsan, markaad rabto inaad dhisto xidhiidh-jacayl oo cimri-dheer oo xoogan.

Ninku markuu yahay qof daacad u ah lamaanihiisa, gabadhu dareen ahaan iyo maskax-ahaan ayey aammin u-noqotaa, waayo qofka markaad kalsooni ku-qabto, waxaad helaysaa daganaansho nafeed, inaadan ka baqin inuu qofkaas kaa tago, waxaad helaysaa jacayl iyo ammaan nafsiyan ah, waxaadna ogaataa iney sahlan tahay in la-dhiso xidhiidh wanaagsan oo caafimaad qaba, marka uu yahay ninku, qof daacad ah.

Midna ogow :- ninka aad la-socoto hadii uu yahay beenaale, marnaba kama helaysid xidhiidh-jacayl oo caafimaad qaba.

2- Sharafta

Waxa burburinaya xidhiidhkiina maaha oo kaliya sida uu kuula macaamilo ninka, waxaa saamayn ku yeelanaya xidhiidhkiina, hab-dhaqankiisa dibada, waayo hadii uu ninku sharaf ku-lahayn dibada, maaha qof la-aamini karo.

Anshax-xumadiisa iyo sharaf la’aantiisa, waxay saamayn aan la-qiyaasi Karin ku yeelan doontaa dhaqankiisa.

Waayadan danbe, gabdho badan ayaa aad u daneeya wiilasha-xun (bad boys) waayo waxay u arkaan, iney yihiin kuwo xiiso gaar ah leh oo soo-jiidashana leh.

Laakin dhibatada ayaa ah, ninka aan lahayn sharafta, waa qof naftiisa ka-hormariya mida dadka kale, yacni waa qof anaani ah, waxaana kuu ballan-qaadayaa hadii aad noolasha la-qaybsato nin aan lahayn sharaf, in lagu khayaani doona oo lagu dhaawici doono dareen ahaan iyo jidh ahaanba, qofka noocan ah wuxuu kufsan doonaa noolashaada, waxaadna waajihi doontaa dhibaato, taas oo noolashaada burburin doonta si qoto-dheer.

Taas badalkeeda, ninka sharafta leh wuxuu kuula dhaqmi doonaa si ixtiraam leh, wuuna ku wanaajin doonaa, ninka sharafta leh waa qof akhlaaq leh oo aad ku kalsoonaan karto, hadii aad hesho waa jannadi adduunka, markaad noolasha la-wadaagtana wuxuu noqdaa aabo iyo say wanaagsan.

3- Kalsoonida

Kalsoonidu waa sifo ama astaan wanaagsan oo soo-jiidasho leh, taas oo keenaysa inaad markasta, ninka agtiisa aad ka-dhawaato.

 Marka uu qofku isku-kalsoon yahay naftiisa ayuu wanaajiyaa, dadka kalana wuu wanaajiyaa, wuxuuna garanayaa waxa uu doonayo iyo sababta uu u doonayo, dareenkiisa inuu muujiyana Kama baqo, sidoo kale naftiisa ma-yasho ama ma-qiima tiro, hadii aad xidhiidh la-wadaagtana wuxuu noqdaa mid adag, sababtoo ah waa qof isku-kalsoon.

4- Ixtiraam

Inaad u muujiso ixtiraam qof kale, waa adiga oo ilaaliya qofka dareenkiisa iyo seerihiisa khaaska ah, waa qofka oo aad ula-dhaqanto qaab ixtiraam leh.

Ninka marka uu ku qadarinayo, wuxuu ku dadaalaa inuu fahmo ama ogaado dareenkaada iyo fikirkaada, inta uuna gaadhin go’aankiisa, wuuna kula tashan markasta, asaga oo kuula hadlayo si dabacsan oo naxariis iyo qadarin leh.

Hadii uu ku qadarin waayo ninkaada, waxaad dareemi doontaa qiimo la’aan, hadii aad isku-dhacdaanna wuxuu kuula dagaallami doonaa sida qof cadawgiisa ah oo kale, waayo kuuma arko inaad tahay qof jecel oo ay isku-dhaceen, sidaas darteed, waxaa markasta haboon inaad raadsato Nin ku qadarinaya, naftiisana qadarinaya.

5- Naxariis

Ninku sida uu ula-dhaqmo dadka kale, sida dadka la-shaqeeya ama qof ku cusub, waxay calaamad u tahay sida uu kuula dhaqmi doono adigana.

Qofka markaad is-barataan, wuxuu la soo-baxaa wajigiisa dhabta ah, sidaa owgeed markasta ka-taxadar ficiladiisa, hadalkiisa oo kaliya haku-kalsoonaanin.

Naxariistu waa astaan wanaagsan oo la wada-jecel yahay, waxaana yeesha sifadan dadka niyada fiican leh.

Intaas waxaa dheer

Ninku waa inuu yahay mid ku-xidhan alle SW, waa inuu ahaadaa mid dadka si-wanaagsan ula-macaamila, oo dulqaad, daganaan iyo Samir leh, calaamadahan waxay keenayaan inuu sifooyin wanaagsan, qadarin iyo xushmad ku-dhex yeesho bulshadiisa dhaxdeeda.

Ninku markuu leeyahay astaamahan, wuxuu diyaar u yahay inuu qaado masuuliyada qoyska, waana nin karti u leh inuu xalliyo xaaladaha reerkiisa.

Dabcan dhammaan astaamahan Kama wada-helaysid hal qof, laakin waxaa muhiim in uu leeyahay, qayb kamida safiyookinkan,

Gaba-gabo

Astaamaha kale ee lagu doorto ninka wanaagsan waxaa kamid ah, inuu yahay nin ku ilaashan kara iyo nin hadalka yaqaana, waa inuu yahay nin shaqaysta iyo nin u roon qoyskiisa.

Adiga oo heli kara nin ku-jecel oo si fiican kuula dhaqma, maxaad wakhtigaada ugu khasaarinaysaa, nin aad ku qadarinaynin.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *