Marka aan leenahay Silci qofka aad jeceshahay. kama wadno inaad ka oohiso qofka, maaha inaad caydo ama inaad ku samayso jidh-dil, taas badalkeeda waxaad silcin kartaa qofka ku jecel adigoon intaasba samaynin.
Muhiimada ugu wayn ayaa ah, inaadan noqonin qof lagu heli karo si sahlan, si aadan u noqonin qof si fudud looga tagi karo.
Haduu jiro qof gaar ah oo aad jeclaatay, marnaba ha tusin inaad u baahan tahay qofkaas inaad xidhiidh la-samayso, hana dareensiinin inaad dhib ku qabto inaadan xidhiidh jacayl lahayn xilligan, hadii aad samayso qodobadan, waxaad u muuqan doontaa qof isku-filan oo aan u baahnayn in noolashiisa cid kale ku soo biirto, wuxuuna dareemi doonaa inuu si fudud kugu heli Karin.
Arrinta kale ee aad samayn karto ee muhiimka ah ayaa ah, inaad noqoto qof aan laga heli Karin xog badan, waxaadna fuduul ku beeri doontaa qalbiga qofkaas, taaso oo keenaysa inuu xiiseeyo qofkaas, siduu maalinkasta wax cusub noolashaada uga ogaan lahaa
Sidoo kale akhriso :- sida qofka faduusha loogu beero qalbigiisa.

Hadaba si aad u noqoto qof aan xogtiisa la-heli Karin, waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad ka jawaabtid wax-yar oo kamida wixi lagu waydiiya, tusaale ahaan:- hadii qof aad xiisayso uu ku waydiiyo, iiga waran safarxi dalxiiska ahaa ee aad baxday? Si sahlan waxaad ugu jawaabi kartaa, wuxuu ahaa dalxiis wacan, meelo qurux badan ayaana tagnay.
Hadii aad uga jawaabto si faahfaahsan, waxkasta oo lagu waydiiyo, waxaad dilaysaa xiisaha uu hadalkaada u hayn lahaa qofkaas.
Hababka kale ee aad samayn karto si-aad ugu muuqato qof aan si-sahlan lagu heli Karin, waxaa kamida, in aadan noqonin qof dag-dag badan, hadii uu qofku isku dayo inuu kuu soo dhawaado, adigu ha isku-dayin inaad u dhawaato asaga, iska-dhaaf wakhtigiisa ha-qaato, asaga kaligii ha dadaalo, waxaadna adigu u muuqan doontaa, inaad tahay qof ay kalsoonidiisu sarreyso.
Hadii uu kula soo hadlo qofki aad xiisaynaysay oo uu ku dhaho caawa maan kulmi karaa? adigu markiiba haku odhanin “HAA” ee u sheeg inaad eegayso hawlahaada gaarka ah, hadii aad firaaqo tahayna aad u sheegi doonto, hadhowna la soo hadal, adiga oo aqbalaya am aka cudur-daaranaya kulankiina.
Hab kale oo aad u waxtar badan ayaa ah, markaad qofka muddo wada-hadlaysaan, sheekaduna meel wanaagsan idin marayso, waxkastana sidi ugu wanaagsanaa u socdo, qofkuna uu arkay inaad u tahay qof muhiima, si kadis ah hakuu waayo, adiga oo aan soo wacaynin maalintaas oo dhan, hana ka qabanin telefoonka hadii uu ku soo waco, farriimihiisa ha uga soo jawaabin.
Markaad sidan samayso, wuxuu is-waydiinayaa khaladka uu sameeyay iyo waxa dhacay, maadaama waxkasta ay u socdeen sidi ugu wanaagsanaa, maskaxdiisa iyo fikirkiisana waad qabsan doonta, wuxuuna ku dadaali doonaa siduu xaalada sideedi hore ugu celin lahaa, asagoo samaynaya dadaal dheeraad ah.

Waxaa kale oo aad ku xoojin kartaa intaas hore, inaad qofka xorriyad buuxda siiso, (yacni inaadan ku khasbin inuu hagaajiyo xidhiidhkiina i.w.m) hadii uu ku rabo hakuu soo dhawaado qofkaas, laakin waa inuu si sahlan kuugu soo dhawaanin, ee waa inuu bixiyaa dadaal, hadii uu damco inuu kaa tagana, waa inaadan isku-dhajinin oo aad fasaxdaa.
Isku-day inaad buurta oo kale noqoto, waayo qofku markuu rabo inuu fuulo buurta, waa inuu la imaadaa dadaal, waayo buurta kugu khasbi mayso inaad fuusho, hadii aad joojiso dadaalkana kugu dhagi mayso, wac macno ahna uma samaynayso ka tagitaankaada, sidaas oo kale waa inaad noqotaa, qof ayna saamayn ku lahayn, qofka kale joogitaankiisa iyo tagitaankiisa.
Markastana waxaad xasuusnaataa, markaad dadka xorriyad siiso, ayaga ayaa xiisayn doona iney kula joogaan, hadii aad xorriyada ka-qaadana, waxay jeclaysan doonaan iney kaa fogaadaan.
Waxaa sidoo kale oo muhiim ah, inaad kula-dhaqanto qofka dabeecadaada caadigaa, markaad la-joogto, marnaba ha samaynin wanaag xad-dhaaf ah, hana u hadlin si ka duwan sidaad u hadasho mararka kael, marnaba dabeecadahaada waxba ha uga badalin qofkaas dartiisa, si caadi ah ula-dhaqan markasta.
Waa inaad samaysaaa xuduud adiga qofkaas idin-dhaxaysa, hadii uu rabo inuu noolashaada ka mid-noqdana, waa inuu ka soo gudbin xuduudaas, waana inuu kugu ixtiraamaa sharciyada aad u dajisatay naftaada asagoo kuula dhaqmaya si wanaagsan, hadii uu xuduudaas ka soo gudbo, waa inaad dareensiisaa inaadan ka ogolaanaynin, si fududna aad uga maarmi karto.
Gaba-gabo
Markaad samayso qodobadan, waxaad qofkaas ku silcisay, qaab kasta oo uu kuugu soo dhawaan lahaa, taasna waxay keenaysaa inaad aragto, asagoo kuu xiisaynaya si ogaal la’aan ah, kuuna ilaashanaya.
Ugu danbaynti, xaqiiqada khadhaad waxaa weeyo, dadku ma ilaashadaan qofka ay si sahlan ku helaan, kaliya waxay qiimahaada garanayaan, markaad helitaankaada ku silciso.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad
2 Comments