Markaan leenahay, waligaa 5 kamida dumarka ha-guursanin. waxaa waayadan aad u badan isku-dhaca lamaanaha, khilaafka iyo isku-dhaca imaada guurka kadib.
Arrintan waa wax laga hortagi karo, gaar ahaan markay labada qof sheekaysanayaan. waa iney ka wada hadlaan. muhiimada iyo nidaamka reerka cusub ee ay dhisayaan iyo sidoo kale qaabka uu noqon lahaa.

Waligaa 5 Kamida Dumhttps://qalinka.com/waligaa-5-kamida-dumarka-ha-guursanin-better/arka Ha-Guursanin
Hadaba waxaa jira astaamo badan oo aad ka-baran karto qofka aad la sheekaysanayso. waxayna kuu sahlayaan ogaanshaha astaamahan. inaad barato nooca uu yahay qofka aad la haasaawayso.
Gabadha 5-tan sifo leh, maaha qof aad is-fahmaysaan, markaad midowdaan.
1- Gabadha aan jeebkaada u turaynin
Gabadha leh sifadan, maaha mid kala jecel inuu jeebkaada madho iyo inaad wax kula hadho. markastana lacag ayey ku waydiisa, waaba kharash socda. gabadha noocan ah waad iska hor imaan doontaa, markaad midowdaan.
Inta badan dumarka noocan ah, waa kuwa dhaha markaad aqal gashaan. wuu is-badalay ninkaygi. wuu iga daayay wuxuu isiin jirey oo wuxuu noqday mid bakhayl ah. Wiilow gabadha noocan ah. waa inaad si fiican uga fiirsataa inta aadan la-wadaagin noolasha.
2- Gabadha beenta sheegta

Si guud, hadii gabadhu been kuu sheegto. inta badan waxaa dhasha tuhun iyo shaki, walwalna kama baxaysid. sidaas darteed marnaba cidhiidhiga noocan ah waligaa hagalin.
Qofka aan hadda runta kuu sheegi Karin, waa qof aan ku kalsoonayn naftiisa. Qofka noocan ah, hubaal maaha qof aad noolal wadaagi kartaan.
Xasuusin :- xilliyo beenta la-ogol yahay ayaa jira. Sida maarkaad ku xallinayso khilaaf iyo dagaal qoyska dhaxdiisa ka-jira. Laakin inuu qofku noqdo mid been sheega markasta, sifo wanaagsan maaha. Sidaas darteed, isku-day inaad gabadha u sharraxdo, sheegista beenta wax-xun iney tahay. Intaas kadibna hadii ay iska-dayn waydo. qof wanaagsan oo naftaada ku aamini karto maaha.
3- Gabadha ragga badan
Hadii aad aragto gabadh taqaana rag badan. waad ku wareeri doontaa waadna masayri doontaa. Mana jiro nin aqbalaya in gabadha uu shukaansado, rag badan la-saxiibto.
Waswaaska faraha badan, walaaca iyo masayrka waad iskaga hor-imaan doontaa, waad is-khilaafi doontaan. Hadaba si taas u dhcin, xalku waa hal mid oo kaliya. waa in gabadhu xal u heshaa dhibaatadaas, maadaama aad mustaqbal isla-gali doontaan.
Hadii dhibaatadan ay xallin-waydo, ka-bax noolasheed. waayo mustaqbalkaada iyo qoyskaada ma noqon doono. mid aad ku qanacdo, oo aad ka helayso daganaasho iyo xassilooni.
4- Gabadha aan kuu quudhin waxba

Waligaa 5 Kamida Dumarka Ha-Guursanin
Gabadha noocan ah, waa mid aaminsan in waxeeda ayada kaliya leedahahy. waxaadana ay kulal leedahay. Waxkasta oo aad siiso, hadyado I.W.M lagama yaabo iney hadyad yar ku siiso.
Hadii aad aragto gabadha aad sheekaysataan, oo aan kuu quudhin waxba. hubaal waa inaad si wanaagsan uga fiirsataa inaad noolal la-wadaagto. waayo qofka astaantan leh, waa qof abaalka loo-sameeya aan gudi Karin.
moreover akhriso :- xanuunka macaanka iyo sida loo daweeyo.
5- Gabadha ku-dhahaysa Guur diyaar u-maahi
Inaad guursato diyaar umaaha gabadha noocan ah, laakin way rabtaa inaad sheekaysataan.
Midda noocan ah waa gabadh wakhtiga kaa luminaysa. waxaana fiican inaad uga tashato sida ugu dhakhsaha badan. Waayo maalin ayey jari doontaa xidhiidhkaada, waana astaanta gabadha loogu-yeedho baby-cash.
Waa Wakhti Lumis gabadha noocan ah. Waxaana wanaagsan Inaad uga tashato Sida Ugu Dhakhsaha Badan. Sababtoo Ah Maalin Un Ayey Xidhiidhkaada jari doontaa. waana sifada gabdhaha, loo yaqaano, baby-cash.
Gaba-gabo
Gabadha aad la-sheekaysato, hadii aad ku aragto mid kamid ah qodobadan. waxaa fiican inaad sida ugu dhakhsaha badan uga tashato. Waayo maaha gabadh si dhab ah kuu rabta, marka ugu danbaysana way kaa tagi doontaa.
Hadii ay khalad kaa gasho gabadha noocan ah. marnaba kama qoomamayn doonto, dhibna uma aragto iney dhaawacday dareenkaada. Hadii noolasha aad la-qaybsatana lagama yaabo inuu qoyskiina guulaysto oo aad is-fahantaan.
Gabadha noocan ah. hadii khalad kaa gasho, kama shalaydo, dhibna uma aragto, iney dareenkaada dhaawacday. hadii aad noolasha la-qaybsatana, lagama yaabo, inaad is-fahantaan, qoyskiinana uu guulaysta.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid but.
Dhammaad