Wararka ciyaaraha: Manchester United oo markale Guul daro dhabarka loo saaray, Barcelona oo dhaafi weyday Royo Vallecano &dhamaan kulamadii laciyaaray xalay.

Kooxda kubada cagta ee Manchester United oo kulan keedii labaad guul daro xanuun badan dhabarka loosaaray kulan ka tirsan Premier League oo ay la ciyaaraysay kooxda Brentford oo ay gurigeeda marti ku ahayd Manchester United iyada oo dhadhansiisay guul daro xanuun badan. 

Kooxda Manchester United oo xalay lagu dhigay kulan taariikhi ah ayaa waxa 4 gaol iyo 0 ku garaacay Kooxda Brentford iyada oo noqotay markii 1aad ee Manchester United lagaga dhaliyo gaolal intaas leeg qaybta hore ee ciyaarta iyana aysan waxba dhashan kulankan oo qayb ka ahaa Premier league oo ahaa isbuucii labaad ee uu furan yahay iyada oo isbuucii hore la ciyaaray kulamadii 1aad ee horyaalka ingiriiska. 

Manchester United oo mudooyinkii u danbeeyay la kulmaysay  guuldarooyin xanuun badan ayaa xalay kooxdii ay martida u ayaaheen ee Brentford Kusoo garaacday guul daro dhan 4 iyo 0 iyaga oo qayb tii hore ee ciyaartaba ka dhaliyay daqiiqadii 35 aad ee ciyaarta ayaa 4 iyo 0 ay ahayd Manchester United oo hore ula soo kulantay guul daro kulankeedii 1aad ee ay ciyaarto horyaal kooxda Brighton ayaa ku dhufatay 2 iyo 1.

Kooxdan oo ku dhibaatootay dhanka suuqa xagaagan tan iyo bishii may ayaan weli samayn wax saxeexyo cusub ah iyada oo ku furtay Premier league guul darooyin isdaba joog ah oo markeedii labaad ay guul daraysanayso iyada oo ku jirta kaalinta 20aad ee Kala saraynta Premier league.

Waxaa sidoo kale la ciyaaray kulamo kale oo ka tirsan Premier league iyada oo ay kooxaha Arsenal iyo Manchester City ay min 4 gaol ku badiyeen. Kooxda Arsenal oo ay wada ciyaarayeen kooxda Leicester ayaa kulankeedii labaad ee Premier league  sii dheeraysatay guulaha ay gaarayso iyada oo 4 iyo 2 ku garaacday kooxda Leicester kulankan oo qayb ka ahaa xili ciyaareedka cusub ee Premier league ciyaartan oo uu aad uga soo muuqday xidiga reer Brazil ee Gabriel juses isaga oo 2 goal u dhaliyay kooxdiisa  2 goal na u caawiyay G. Xhaka iyo Martinelli ayaa u Kala dhaliyay labada goal ee kale. Sidoo kale kooxda Manchester United oo ay wada ciyaarayeen kooxda dhawaan Premier league usoo dalacday ee AFC Bournemouth ayaa iyaduna 4 gaol iyo 0 ku badisay kulan qayb ka ahaa Premier league xili K. De Bruyne oo qaybtii hore ee ciyaarta gaol dhaliyay goal na caawiyay kulankan ayaa Kusoo gebogeboobay 4 iyo 0 oo ay Manchester City guul la hoyatay. 

Wararka La Liga 

Kooxda Barcelona oo kulankeedii u horeeyay ee La Liga ku furatay barbaro xili ay ciyaarayeen saxeex yada cusub ee ay dhawaan ka samaysay suuqa xagaagan Barcelona oo laciyaaraysay kooxda Royo Vallecano kulan ka tirsan Laliga ayaa barbaro 0 iyo 0 ah kula gashay gurigeeda Camp Nou. 

Barcelona ayaa ciyaartan Kusoo gashay dardar waali ah iyada oo ay uga dhignayd ciyaarteedii 1aad ee horyaal ka xiliciyaareedkan iyada oo ay ciyaarayeen saxeexyada cusub ee xagaagan ay suuqa ka sameeyeen Barcelona ayaa si aan farxad lahayn ku bilaabatay xili ciyaareedkan cusub iyada oo u dagaalamaysay guul inay ku furato kulankeedii 1aad iyada oo ay ka hor istaagtay kooxda Royo Vallecano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.