Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa | better

Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa | better
Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa | better

Inaad noqoto fulay ama geesi waa doorasho. hadii doorashada ay kaa xumaatana waad badali kartaa hadda. waxaadna noqon kartaa qof geesi ah.

Hadii aad tahay qof fulay ah oo cabsada. ma awoodi doontid inaad iska-celiso dadka shaqsiyada xun leh. ee ku maagaya ama kugu xadgudbi kara. waxaadna samayn doontaa marwalba. waxyaabo aadan ku qanacsanayn, si aad u raali-galiso qof aad ka baqayso.

Dadku waxay kaaga faa’idaysan doonaan cabsidaada. waxaana muhiima inaadan ogolaanin marnaba in lagu isticmaalo. mana dhacayso in lagu ixtiraamo, hadaad tahay qof cabsada.

Hadaba tallaabooyinkan hoose raac, si aad uga adkaato caabsida, geesina aad u noqoto.

1- Qiimahaada ogow

Marka hore waxaad ogaataa in fulaynimada aan lagu dhalanin. ee waa wax xaaladuhu iyo wakhtigu sameeyaan. waxa ugu horreeya ee keenana waa kalsooni-la’aanta. sidaas awgeed waa inaad qiimahaada ogaataa, oo aad xooga saartaa hagaajinta kalsoonidaada.

Hadaad tahay qof cabsi badan, naftaada ayaad xaqiraysaa, sharaftaadana dhulka ayaad dhigaysa. Hadaba jooji inaad yasto naftaada, taas badalkeeda daacad u noqo. waxaadna aamintaa inaad tahay qof uu alle karaameeyay. waxbana kuma dheera ruuxa aad ka cabsanayso.

Waxaadna ogaataa qofku haduuna garanaynin qiimihiisa, kamuu gudbi karo caqabadaha noolasha.

2- Isku tuur meelaha aad ka-baqayso
Waxaan ahay qof fulay. ah ee maxaan sameeyaa | better
Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa

Ma-ogtahay ineysan jirin wax la-dhaho geesinimo. waxa lays-dheer yahay oo kaliya, kalsoonida iyo dhiirranaanta. hadaba naftaada khasab oo isku-tuur meelaha aad ka cabsanayso.

Tusaale, hadaad ahaan jirtay qof aan go’aan qaadan karin markuu ku dhax-jiro dadka. oo yeela un wixii loo go’aamiya, diid oo qaado adigu go’aankaada. qof kalana ha u daba-fadhiisanin danahaada gaarka ah. Teeda kale, maad ogtahay waxyaabaha dadku ka baqaan, iney yihiin waxyaabo aan jirin.

Tusaale kale, markaad qof is-maagtaan, iska-dhig geesi oo ha-muujinin fulaynimo. Teeda kale ma-jiro qof dagaalka jecel. ee qofka ayaa iska-dhigaya mid geesi ah, oo doonaya inuu dagaalamo. qofku hoos ayuu ka dareemayaa baqdinta, kaliya geesinimo ayuu matalayaa qofkaas.

Dagaalkaas aad ka cabsanayso iyo malahaada ah, armii lay dilaa. waxay keenaysaa inaad baqdo, oo aad iska-celin waydo qofka doonaya inuu kugu xad-gudbo.

Haduu dareemo inaad cabsanayso, markuu qofku ku maagayo. wuxuu ku dhiiran doonaa, inuu kugu xad-gudbo. laakin hadaad qof geesi ah u muuqato, oo aan lagu soo dag-dagi Karin. Waxaa aad u yaraanaya dagaalada aad galayso. waayo, majiri doono qof kugu soo dag-dagaya, waxaadna ogaataa. waxa keenaya inuu qofku galo dagaallo badan, iney tahay fulaynimada iyo baqdinta.

3- Noqo qof niyad ahaan u adag

Sideeduba geesinimadu waa maskax xoogan oo awood badan. sidaas awgeed, maskxadaada waxaad bartaa iney kugu dhiirri-galiso samaynta waxyaabaha wanaagsan. iyo wax aan hoos u dhigaynin shaqsiyadaada.

Waxaa sidoo kale ku dadaashaa, inaad ilaaliso caafimaadkaada guud. adigoo samaynaya jimicsiyo, oo cunaya cunnooyin caafimaadka u fiica. seexanaya hurdo kugu filan, sidoo kale, is-daji oo is-bar xassiloonida naftaada.

4- Wadada adag dooro

Fulay inaad noqoto waa doorasho. maadaama ay kaaga baahnayn fulaynimadu dadaal dheeraad ah, waxaa sahlan inaad doorato. laakin waxaan kuu sheegayaa maanta, iney adag tahay inaad ku noolaato aduunka. hadaad tahay qof cabsada.

Inaad noqoto geesi waxaa loo maraa wadooyin aan raaxo lahayn. taasoo ah inaad ku dhiirrato samaynta waxaad ka baqayso, si aad u noqoto geesi. hadaadan marin wadada adag ee geesinimada. waxaad ahaan doontaa waligaa, qof baqa oo lagu xad-gudbo markasta.

Hadii aad rabto inaad ku noolaato nabad iyo xasillooni, laguma helo fulaynimo. ee waa inaad doorataa wadada adag. waana wadada kaliya ee aad kaga badbaadi karto, cadaalad-darada aduunka maanta ka-jirta.

5- Qof naxariis leh ahow
Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa | better
Waxaan ahay qof fulay ah ee maxaan sameeyaa

Marnaba naxariista haka-tagin, duruufahan adag ee aad wajahayso darteed.

Waa sax inaadan ogolaanin, in lagu tunto xaqaada. laakin adigana dadka kale haku xad-gudbin, si aadan u noqonin qof leh shaqsiyad xun.

Ku dadaal markasta. xaaladahan adag ineyna kaa dhigin, ruux qallafsan oo aan lahayn wax naxariis ah. gacmahaada, mid waa inaad ku wadataa naxariista, midda kalana aad iskaga celisaa cadawgaada. oo aad ku ilaalisaa shaqsiyaada iyo sharaftaada.

Gaba-gabo

Fulaynimadu waxay keentaa, inaad ku dhiirran waydo samaynta waxaad doonayso. Darbigaas fulaynimada si aad u jabiso. waa inaad dhiirrinaan muujisaa iyo inaad naftaada ku kalsoonaato.

cabsidu waxay kaa hor-istaagaysaa, rumaynta ahdaaftaada iyo waxaad doonayso. waxaadna noqon doontaa, qof dadka kale raalli-galiya, oo markasta laga faa’idaysto.

Hadaad rabto inaad noqoto qof geesi ah, oo danihiisa qabsada. raac tallaabooyinka aan kor ku soo xusnay. waxaad noqon doontaa qof geesi ah insha-allaah.

Asxaabtaada la-wadag, mahadsanid.

Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *