Badanaa dumarku dadaal badan kuma bixiyaan, iney ragga cajabiyaan.
Nimanku waa noole wax ku qiimeeya aragtida. waxayna raadiyaan waxyaabo dareenkooda xiiso-galinaya. oo ay dumarku sameeyaan.
Hadaba waxaa jira waxyaabo gabdhuhu ay sameeyaan, ragguna ay aad uga helaan. inaad waxyaabahan ogaato waxay kaa caawinayaan, inaad hagaajiso xidhiidhkaada jacaylka.
Waa kuwan waxyaabaha dumarku sameeyaan, raguna ay aad uga helaan.
1- Xidhashada dharkiisa
Raggu aad ayey uga helaan markay xidhato gabadhu dharkiisa. sida garantiisa, shaadhkiisa ama funaanadiisa.
Ma-jeclaystaan oo kaliya raggu, in gabadhu xidhato dharkiisa. ee wuxuu dareemayaa ninku, xaalad daganaansho iyo amaan ah. haduu arko islaantiisa oo xidhan qaar kamid ah dharkiisa.
2- Quruxda dabiiciga ah.

Waayahan danbe, gabdhuhu way ku adag-tahay iney gurigooda ka baxaan. Ayaga oo aan marsanin kareemada lagu qurxiyo jidhka (makeup). laakin gabdhuhu ma-ogaan in nimanku aad uga helaan quruxda dabiiciga ah.
Raggu aad ayey ugu riyaaqaan, ama uga helaan markay gabadhu labisato. ayadoon isticmaalin ama marsanin makeup-ka. Oo muuqaalkeeduna uu yahay mid dabiici ah. Sababta oo ah waxay muujinaysaa, kalsoonida iyo qanaacada ay ku qabto jidhkeeda.
3- Magaciisa oo ay ugu yeedho.
Aad ayey ugu riyaaqaan raggu. Hadii ay gabadhu ku dhawaaqdo magaca ninkeeda, Markay guriga joogaan. ama iney si hoose ugu yeedho magaciisa, xilliga suuqa ay joogaan.
Magaciisa waxay ugu yeedhi kartaa xattaa. marka ay salaamayso ama ay doonayso inuu caawiyo. waxay keentaa inuu gudaha ka dareemo farxad aad u badan.
4- Qosolka.

Qosolka togan ee gabadha wajigeeda iftiiminaya, wuxuu ragga ku dhaliyaa dareen wanaagsan. aad ayeyna uga helaan raggu markay gabadhu u qososho si-daacad ah. xattaa haday muusooto waa sifo dareen wanaagsan u keenaysa ninka.
Daganaansho oo kaliya kuma dareemaan raggu sifadan. ee waliba waxay aad uga helaan markay gabadhu ku qososho sheekooyinkiisa iyo kaftankiisa.
5- Inaad ninkaada u bixiso naanays.
Naanaysta aan sheegayno, maaha kuwa caankaa ee dadka is-jecel aadka u isticmaalaan. sida “qaali, macaan, malab, qalanjo IWM”. ee waa inaad naanays khaas ah u bixisaa, oo aad adigoo kaliya ugu yeedho. waana iney noqotaa naanaystu, mid wanaagsan oo xidhiidh la-leh asaga ama labadiina.
Wiilku wuu jeclaysan doonaa, inuu naanaystan ka maqlo afkaada marar badan.
6- dhagaysiga.
Inaad dhagaysato aragtidiisa ama aad fahanto ninka. waa waxyaabaha dareenkiisa wanaagsan kor u qaadaya. taas macnaheedu maaha inaad aragtidiisa ku waafaqdo. ee kaliya waa inaad u muujisaa, inaad si wacan u dhagaysanayso ra’yigiisa.
Waa astaan wanaagsan, ragguna aad ayey u jecel yihiin in la-dhagaysto ama la-maqlo. Sababtoo ah wuxuu dareemi doonaa xasilooni, qanaaco iyo inuu yahay qofka qoyska hogaaminaya.
7- Indhaha dareenka leh.

Midan waa mid kamid ah waxyaabaha gabdhuhu sameeyaan. ee nimanku aadka uga helaan, aadkana u soo-jiita. siiba markay gabadhu hordada ka toosto. haday fiiriso xaajigeeda waxay u muuqan doontaa, mid xiiso badan galisa oo soo-jiidanaysa ninkeeda.
Gaba-gabo.
Waxaa-jira waxyaabo badan oo ay ka helaan nimanku. kuwaas oo soo-jiita una bogaan, oo ay dumarku sameeyaan. dabcan waxaa laga-yaabaa, in gabadhu samayso waxyaabahan ayadoona dareensanayn. sida awooda badan ee uu u soo-jiito dareenka ragga.
Aragtida ayey raggu wax ku qiimeeyaan. waxayna jecel yihiin in ishoodu qabato, waxyaabo wanaagsan oo quruxsan. taas maaha macnaheedu, inaad isku-hawsho inaad hanato ninkaada dareenkiisa. kaliya waxaa haboon inaad samayso waxyaabaha yar-yar, ee gabdhuhu sameeyaan.
Waxyaabahan waxaa kamida, inaad gacanta ku taabato timihiisa. inaad mararka qaar cuntada ka xoogto. inaad u il-jabiso ama aad u baaqdo, inaad xabadkiisa taabato markuu laabta ku galiyo. Waxaa kaloo jira waxyaabo yar-yar oo badan, oo hadaad samayso jacalka uu kuu qabo ninka kordhinaya.
Asxaabtaada la-wadaag, mahadsanid.
Dhammaad.
1 Comment