Cudurka macaanka ama sokorta, waxaa sanadkasta u dhinta in ka-badan 1 malyan oo qof, waana xanuun ku dhici karaa qof kasta.
Xanuunkan wuxuu dhashaa marka uu jidhkaada burburin waayo sokorta la-socota dhiigaada, waxyaabaha uu keeno xanuunkanna waxaa kamida ah wadno-istaaga, indho-beelka, kalyaha qofka ooh awl-gab noqda, iyo wadno-xanuunka.
Xanuunkan waxaa la-nool oo qaba dad lagu-qiyaasay 430 malyan oo qof, waana tiro ka-badan 4 jeer, intuu ahaa 40 sano ka-hor, sida aan ka soo xiganay (WHO) hayada caafimaadka ee adduunka.
Intaas waxaa dheer, kala-badh dadka qaba xanuunkan khatarta ah, ma ogaan iney qabaan cudurkan macaanka.

Maxaa keena cudurka macaanka
Markaan wax cunno jirkeennu wuxuu burburiya waxyaabaha loo yaqaano carbonhydrates-ka wuxuuna ka dhigaa sokor, kaddina wuxuu ku amraa unugyada jidhkeena, iney nuugaa sokorta si-ay u helaan awood ama tamar.
Hadii jidheena uu nuugi waayo sokorta ku-jirta ama uu u shaqayn-waayo sidi la-rabay, waxaa dhacda in sokorta jidhkeena ku-jirta ay fadhiisato, taas oo sababaysa in qofkaas ku dhaco xanuunka macaan.

Noocyada xanuunka macaanka
Cudurkan sokorta wuxuu u qayb-samaa labo nooc
Nooca 1-aad
Beer-yarta ayaa joojiya inuu soo-saaro maadada loo-yaqaano insulin-ta, taas oo keenaysa in dhiiga qofka uu raaco glucose.
Culimada caafimaadka wali maysan ogaanin waxa keenaya arrintan, balse waxay aaminsan yihiin, in laga yaabo iney tahay wax la-xidhiidha hiddaha qofka, ama inuu yahay caabuq wax-yeeleeya unugyada sameeya insulin-ta ee beer-yarta, 10% dadka adduunka waxay qabaan nooca koowaad ee macaanka.
Nooca 2-aad
Beer-yarta ma soo-saarto hormoonka insulin-ta, kaas oo ay shaqadiisu tahay inuu sokorta ka noogu jidhkeena, ama uma shaqeeyo sidi la-rabay.
Waana xaalad ay la-kulmaan dadka waawayn iyo kuwa da’dooda dhaxdhaxaadka ay tahay, waxaa sidoo kale xaaladan la-kulma dadka miisaankooda uu culus yahay iyo dadka ka soo-jeeda koonfurta aasiya.
Sidoo kale cilmi-baadhis kala duwan oo la-sameeyay ayaa lagu sheegay in 6-16% haweenka uurka leh, ay la-kulmaan noocan 2-aad ee xanuunka macaanka, waxaana muhiima iney xakameeyaan heerka sokorta jidhkooda ayagoo la-soconaya cunnadooda iyo iney sameeyaan jimicsi.
Astaamaha lagu garto xanuunka macaanka
Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto cudurkan waxaa kamid ah.
- Harraad badan
- Kaadidaad oo badata, siiba xilliga habeenka
- Daal badan
- Culayskaada oo hoos u dhaca
- Afka oo boog ku noqdo
- Aragaada oo yaraada
- Boogo aan bogsanaynin
Dadka halista ugu wayn ugu jira cudurkan macaanka, waa dadka cimrigooda uu dhaafay 40 sano.
Maa laga hortagi karaaa cudurka sokorta?
Marka hore cudurkan waxaa keeni kara xaalado la-xidhiidha deegaanka ama hiddaha qofka, laakin hadii aad ka war-hayso xaaladaada caafimaad, oo aad la-socoto cunnooyinkaada iyo qaab-noolaleedkaada, waad ka hortagi kartaa.
Inaad cunto cunnooyinka wanaagsan ee caafimadka qaba ayaa kamida qaababka looga hor-tagi karo cudurkan, cunnooyinka wanaagsan ee caafimaadka leh waxaa kamida, khudaarta, midhaha, digirta iyo badarka aan la-warshadaynin, waxaa kale oo kamid ah saliida caafimaadka leh, midda looska iyo saliidaha ay ku badan tahay maadada omega-3, sida midda malayga ama kalluunka.
Waxaa sidoo kale muhiim ah inaad cuntada aad cunto xilliyo kala-duwan, adigoo ka fogaanayo inaad wax cunto adigoo dharagsan, sidoo kale heerka sokorta ee jidhka waxaa hoos u dhiga jimicsiga joogtada ah, inaad dhinto culayska jidhkaada ee dheeraadka ah iyo inaad ka-fogaato isticmaalka sigaarka ama tubaakada, kuwan waa tallaabooyin kaa caawin kara inaad ka badbaado inuu kugu dhaco nooca 2-aad ee cudurka macaanaka

Maa la-daawayn karaa cudurka macaanka?
Haa waa la-daawayn karaa, waxaa loo-qaybiyaa daawooyinka macaanka 6 nooc ama qaybood.
Waa kuwan 6-da qaybood ee daawada macaanka.
1- Sulfonylureas
Middan waa daawo loo-qaato nooca 2-aad ee macaanka, waxaana la-soosaaray dawadan bartamihi qarniga 19aad (1950).
Dawadan waxay ganaca (pancreas) ka-caawisaa inuu soo-saaro hormoonka insulin-ta oo dhiiga ka-nuuga sonkorta, markuu qaadanayo dawadan qofka, waa inuu qaataa cuntooyinka aan macaanka la-hayn, sidoo kale waa inuu sameeyaa jimicsi.
Dawadan waxay keentaa in sonkorta jidhka ay hoos u-dhacdo, qofkana wuxuu ku garan karaa in sonkorta jidhkiisa ay hoos u dhacday, astaamahan, dhidid badan, gaajo, jidhka oo gariira, maskaxda oo khalkhasha, iyo miisaanka jidhkiisa oo kordha.
2- Meglitinides
Dawadan waa mid afka laga-qaato oo loou tala-galay qofka qaba nooca 2-aad ee macaanka, waxayna kor u qaadaa xaddiga insulin-ta ee ganacu soo-saarayo, hoos ayeyna u dhigtaa sonkorta ku-jirta dhiiga.
Saamaynta dawadan waxaa kamid ah, miisaanka qofka oo kordha iyo yalaalug.
3- Biguanides
Midan waxaa loo isticmaalaa nooca 1-aad ee macaanka, waxay kor u-qaadaa cadaadiska ay xididaha ku keenayaan hormoonka insulin-ta, taas oo keenaysa in sonkorta dhiiga ku-badan, ay gasho jidhka qofka.
4- Thiazolidinedione’s
Midan waxay kor u-qaadaa, in hormoonka insulin-ta uu la fal-galo dhuuxa iyo murqaha jidhka, samaynta ay leedahay daawadanna waxaa kamida ah, barar iyo miisaanka qofka oo kordh.
5- Alpha-glycosidase inhibitors
Dawadan waxaa loo isticmaalaa nooca 2-aad ee cudurka macaanka, waxayna hoos u dhigtaa xaddiga sonkorta ee laga noogayo mindhicrka yar (small intestine).
6- Dpp4 inhibitors
Dawada noocan ah waxaa loo isticmaalaa macaanka qaybta 2-aad, waxayna xoojisaa soo-daynta dheecaanka insulin-ta, ayadoo yaraynaysa xaddiga sonkorta ee ku-jirta dhiiga, dhiibaatooynka ay keento dawadan waxaa kamid ah, inuu caabuq ku-dhaco ganaca iyo kancar.

Ujeedada loo-isticmaalayo dawooyinkan, waa maxay?
Hadii heerka sonkorta dhiiga uu ka-badan yahay intii caadiga ahayd, waa in hoos loo-dhigaa, oo la-gaadhsiyaa intii caadiga ahayd, tusaale, hadii uu qofku sooman yahay, heerka macaankiisu waa inuu ka-yaraado126 mg/dl, laakin hadii uu intaas ka-bato macaan ayuu qabaa qofkaas, sidoo kale haduu qofku afursan yahay ama uuna soomanayn, waa in heerka macaankiisa uu noqdaa 140 ilaa 200 mg/dl.
Marka la-ogaado in heerka sonkorta ee qofku ka-badan tahay 300mg/dl ilaa 600mg/dl iyo wixii ka-badan, waxaa haboon in qofkaas la-siiyo irbadihi macaanka dajinayay, mana haboona in la-siiyo kaniin
Ayadoo la-eegayo nooca macaanka, haduu yahay kan caruurta ku-dhaca, waxaa loo-billabayaa irbada macaanka (Mixed Insulin), taas oo uu wadi doono inuu qaato inta ka-dhiman noolashiisa, laakin hadii uu noqdo nooca 2-aad, waxaa la-siin doonaa talooyin ku-saabsan cuntooyinka uu cuno, sida inuu cuno cuntooyinka caafimaadka leh, waxaa kale oo fiican inuu sameeyo jimicsi iyo socod, intaas kadib, hadii la-xakamayn waayo, waxaa haboon in loo-billaaabo dawada Metformin, oo uu qaadan doono labo jeer maalinkasta.
Side ayaa loo baadhaa cudurka macaanka?
1- qofka waa inuu muddo 8 saacadood ah waxba cunin, hadii marka la-baadho dhiigiisu u dhaxeeyo100mg/dl ilaa 125mg/dl, qofkaas macaan ayaa ku soo socda, waxaana haboon inuu joojiyo cuntooyinka uu macaanku ku badan yahay, sidoo kale waa inuu sameeyo jimicsi, hadii miisaankiisu badan yahay waa inuu yareeyaa, wax dawo ahna ma-qaadanayo, laakin hadii sonkortiisu ka-badato 125mg/dl, iasagoo aan waxba, qofkaas macaan ayuu leeyahay, waxaana la-siinayaa talooyin.
2- markuu qofku wax cuno, hadii la-baadho 2 saacadood kadib, dhiigiisuna uu ka-bato 200mg/dl, qofkaasi wuxuu leeyahay macaan, talooyinka uu u baahan yahay ayaana la-siin doonaa.
Gaba-gabo
Cudurkan macaanka waa dilaa, sanadkastana dadka u dhimanaya way sii korodhaa tiradooda, sidaas darteed, waa muhiim inaad la-socoto xaaladaada caafimaada, sidoo kale waa inaad samaysaa jimicsi joogta ah.
2 Comments