Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe

Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe
Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe

Mid kamid ah su’aalaha ugu badan ee dunida maanta lays-waydiiyo, khaasatan goobaha wax lagu barto, waxaa kamid ah, yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha.

Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe

Marka hore waxaad ogaataa, xubinta u qaabilsan jidhka bani’aadamka, caqli yaraanta iyo caqli badnaantu, waa maskaxda.

Sida caadigaa, madaxa raggau wuu ka-wayn yahay midka dumarka, sidoo kale cilmi-baadhis badan oo la-sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay, in xajmiga maskaxd ee labka, ay ka wayn tahay 13% midda dhadiga.

Hadaba su’aashu waxaa weeyo, maadaama raggu ay ka maskax wayn yihiin haweenka, miyey ka caqli badan yihiin, jawaabta su’aashan waa “MAYA”

Tusaale, maroodiga caqligiisu wuu ka wayn yahay midka ragga, hadana kama caqli badna, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya xajmiga maskaxda iyo caqli badnaanta, oo uu sheegay saynisku.

Maamulaha jaamacada Harvard, ayaa mar uu soo-jeedinayay khudbad, wuxuu sheegay, in raggu kaga caqli badan yihiin haweenka, xagga xisaabaadka iyo sayniska, wuxuuna hadalkaas kala kulmay, af-lagaado iyo cay xad-dhaaf ah, waxaana lagu eedeeyay eexda jinsiga.

Imtixaanka “SAT” ee laga leeyahay dalka maraykanka ee labka iyo dhidiga, waa imtixaan lagu eegayo midka ku wanaagsan xagga xisaabta, labka iyo dhadiga, waana 43 dawladood lagu qabto.

36 wadan oo kamida kuwa lagu qabtay imtixaankan, ayaa sheegay in ragu kaga wanaagsan yihiin dumarka, dhinaca xisaabta, halka 7-da wadan ee kale, ay sheegeen iney siman yihiin.

Intaas waxaa dheer, waxaad ogaataa in imtixaanka is barbar-dhiga laba jinsi ee labka iyo dhadiga ee “SAT” uuna ahayn, halbeeg sugan oo cilmi ah.

Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe
Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe

Caalimki waynaa ee ree Germany, friedrich gausss, wuxuu sanado badan ahaa, tusaalaha ugu wayn ee loo soo qaato, in ragu ka caqli badan yihiin haweenka, maadaama aqoonta xisaabta uu ku soo kordhiyay mas’alooyin xisaab ah oo adag, laakin arrinkan mid sii socda wakhti badan ma noqonin, maadaama ay soo baxeen haween badan oo cilmiga xisaabta ka gaadhay heerar sare, caalamkana kaga yaabsaday.  

Daraasad 96 caruur ah lagu sameeyay, oo iskugu jira gabdho iyo wiilal, ayaa waxaa la-tusay laba sawir oo dhadig iyo lab ah, ayagoo la-waydiiyay midka caqliga badan iney sheegaan, natiijadina waxay noqotay, in wiilashu sheegeen in gabdhuhu caqli badan yihiina, halka gabdhuhuna ay shegeen in wiilashu caqli badan yihiin.

Cilmi-baadhistaas waxaa lagu ogaaday, iney jawaab cad lahayn cidda caqliga badan labka iyo dhadiga, iyo in jawaabta qofka ku xidhan tahay waxa uu aaminsan yahay, caadooyinka deegaankiisa iyo afkaartiisa, laakin aana loo haynin xaqiiqo cilmi ah midka caqliga badan ragga iyo dumarka.

Yaa caqli badan gabdhaha iyo wiilasha | amazing to believe

Shirkada google ayaa sheegtay, su’aasha ugu badan ee aabayaashu ka-raadiyaan google-ka iney tahay, wiilkaygu miyuu caqli badan yahay, halka hooyooyinkuna ay ka raadiyaan google-ka inta badan, gabadhaydu miyey caqli badan tahay, arrintanna waxay caddaynaysaa, in mid kasta uu u janjeedho jinsi gaar ah, waxaana keenaya wuxuu qofkaas aaminsan yahay.

Gaba-gabo

Ilaa hadda ma jirto daraasad cad oo xaqiijinaysa midka caqliga badan gabdhaha iyo wiilasha, diinteenuna waxay noo sheegtay in sida ugu fiican loo abuuray dadka.

Si guud, waxaa jira arrimo yar-yar oo ay ku kala duwan yihiin dumarka iyo ragga, sida in dumarku ku wanaagsan yihiin, in markay soo galaan meel, iney si wanaagsan ugu fiirsadaan wax kasta oo meesha yaalla, halka ragguna ay ku fiican yihiin, kala habaynta iyo maaraynta hawlaha iyo iney shaqa kasta gaarkeeda u qabtaan.

Kala duwanaanshaha noocan ah, maaha mid jaan-goynaya, heerka maskaxda laba jinsi ee dhadiga iyo labka.

Dhammaad

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *